Asbaabaha Keena Laab Jeexa Iyo Cuntada Lagu Dejiyo

Hunguriga iyo caloosha waxaa udhaxeeya muruq yar kaasoo sida caadiga ah xirma ama guntima marka ay cuntadu u gudubto caloosha waxaana loo yaqaana ”Lower Esophageal Sphincter LES”. Hadii uu dabco ama uu si fiican uxirmi waayo muruqaasi, waxaa dhacda in aashitada ku jirta caloosha ay si fudud ugu soo gudubto hunguriga taasoo sababta laab jeexa.

Caloosha waxa ay lee dahay unugyo khaas ah oo ka difaaca in ashitada ay waxyeelo ugeysato, laakin hunguriga malahan unugyo ka badbaadiya aashitada. sidaa darteen marka qofku uu dareemo laab jeex, waxay ka tarjumeysaa in ay aashitada caloosha gubeyso unugyada hunguriga. Hadii astaamaha laabjeexu ay soo noqdaan ugu yaraan laba jeer isbuucii waxaa dhaca xanuunka loo yaqaano laabjeex. Xaaladaan caafimaad waxaa ka cawda dad badan oo kamid ah bulshada.

Maxaa sababa Laab jeexa?

Waxa ugu badan ee sababa laabjeexa waa eerno, xaalad caafimaad oo la xariirta in xubin kamid ah jirka ay booskeeda ka baxdo una gudubto boos kale. qaybta kore ee caloosha iyo muruqa u dhaxeeya hunguriga iyo caloosha ayaa kor ubaxa kana saramara muruqa u dhaxeeya saableeyda iyo ubucda kaasoo loo yaqaan Dhaayafram (Diaphragm). Sida caadiga ah muruqaan waxuu ilaaliyaa inay isu gudbaan labada qaybood, balse marka ay ”Hiatal hernia” calooshu kor ubaxdowaxaa hunguriga u gudba aashitada ku jirta caloosha taasoo sababta laabjeex.

Waxaa jira sababo kale oo uu lee yahay laabjeexu sida, cuno aad u culus ama in la jiifsado cunada kadib, cayilka, cunooyinka qaarkood sida kuwa basbaaska ku badan yahay, shukulaatada, toonta, shaaha, kafeega, liinta, sigaarka iyo daawooyinka qaar sida Aspirin.

Sababta ugu badan ee laabjeexa ayaa ah, in qofka uusan si wanaagsan u calaalin cunada, ama uu biyo kula cabo cunada,taas oo ku qasbeysa caloosha in ay ku burburiso aashito badan, aashitadaan ayaan usoo gudbta hunguriga, waxaana halkaas ka dhasha dareenka qofku uu dareemo xiliga laabjeexa.

Waa maxay astaamaha Laaba jeexu:

Astaamaha laab jeexa waxay soo baxaan inta badan marka la cunteeyo kadib waxaa kamid ah calaamadaha laabjeexa,

  • Daaca qurun
  • Kulayl xabadka kasoo kacaya caloosha ilaa hunguriga
  • Laqanyo
  • Hingo
  • Culayska oo luma
  • Qofka oo ay ku adkaato inuu wax liqo iwm.

Mala dawayn karaa Laab jeexa?

Haa, waxa uu ubaahan yahay waa qofka inuu isbedel ku sameeyo qaabka nololeedkiisa, sida ugu wanaagsan ee loo daweeyo waa in isbedel lagu sameeyo qaabka qofka uu ucunteeyo sida in la iska ilaaliyo cunooyinka ama cabitaanada kicinaya laabjeexa, cuno yar cun ilaa 4 jeer maalintii, sigaarka oo la joojiyo, Barkin dheer barko, markaad cuntayso kadib 2-3saac ha jiifsan, hala cabin biyo ama sharaab xiliga aad cunteyneysid,  dharka kugu dhagan ama suun kugu dhagan ha xiran, samee jimicsi si aad u yarayso cayilkaaga.

Hadii intaasba waxba ka tari waayaan qofka waxaa la doorbidaa qaliin yar si loo adkeeyo muruqa “Lower Esophageal Sphicter”.

Talo:

Isku day inaad joojisid cunada oo biyo lagula cabo, Cab biyaha 30 daqiiqo kahor inta aadan cunteyn ama marka aad cunteysid kadb, iska ilaali dharagta saa’idka ah sababtoo ah dharagta saa’idka ah waxay culeys saaray dheefshiid kaaga, waxaan badanaya xadiga aashitada ay caloosha ku gubeyso cunada, kana fogoo waxyaabaha kicinaya laabjeexa sida basbaaska badan, digirta, kafeyga, shaaha cagaaran.

Ogoow sigaarku waa aabaha xanuuno badan waxaana hagaagsan inaad iska joojiso.

Cuntooyinka dejiya laab jeexa:

  • Caanaha
  • Shaaha sanjabiisha leh
  • Mooska
  • Boorashka
  • Babaayga
  • Fennel seeds
  • Ukunta qaybta cad

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *