Qiso Jaceyl Oo Qurux Badan

qiso qurux badanSariirta ayey dhinac kaga Fadhiday, isaguna markaas ayuu Guriga soo galay.Wuxuu Tukaday Laba Rakcadood oo Sunno ah. Markii uu ka baxay Salaadda, intuu kacay ayuu Dhinaceeda Fariistay.

Ka dib wuxuu la Booday Labadeeda Gacmood. Maxaad samaynaysaa? ayey ku tiri, Muusan jawaabin ee Hawshiisii ayuu iska watay. Faraha ku yaala Gacanteeda Midig ayuu sidaa u kala bixiyey. ka dib Xubnaha Faraha ayuu mid mid u Taabtay, Afkana wuxuu ka lahaa (Subxaanallaah, Alxamdulillaah, Allahu Akbar). Iyadoo sidii u yaaban, Wejigeedana Qosol Kalgacal ka muuqdo, ayey haddana tiri:- Maxaad samaynaysaa?. Intuu Cabbaar Wejigeeda si Dabacsan u eegay ayuu si degen ugu yiri:- Farahaaga ayaan ku Tasbiixsanayaa si Labadeenaba Ajir la inoogu Qoro.

Marka ay aragtay sida uu Wanaageeda Adduun iyo Aakhiraba uga Fikiraayo, ayaa Indhaheeda illin ka soo Daadatay. Halkaa Sujuuda ayey Dhunkasho Mac kaga siisay. Waxay ahayd Dhunkasho Illaahay uun Ogyahay meeshay ka soo go’day.

Maxaa ka Wanaagsan Kalgacalka Reerkaaga oo aad Gacantaada ku Abuurto?.

Wax yar oo aad samayso ayaad kufuran kartaa qalbiga xaaskaaga waligeedna aysan kugu hilmaamayn lkn nasiib darro taa ma wada fahansanin hadaan ragga nahay.

Check Also

faaidooyinka guurka, caafimaadka

Faaidooyinka Guurka Uu U Leeyahay Dumarka Iyo Cudurrada Uu Ka Caabbiyo

Cidi shaki kama qabto in guurku uu yahay furaha xasiloonida ee ragga iyo dumarka labadoodaba, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *