Nolosha qoysku waa is fahan

Haddaad ooridaada qalbigeeda galiso muxubo, kalgacal, wanaag, ixtiraam, kalsooni waxay si dhaba kugu hannaynaysaa qalbigeeda, waxaanay ku siinaysaa nolosheeda qoyskaaguna wuxuu noqonayaa beer farxadeed iyo barro kalgacal.

farxadda lammaanaha nolosha ku wadaaga waa is fahan iyo in nolosha loo qaybsado si debecsan, diinteena macaani waxay dhiiri galisay in dumarka la xaannaneeyo dumarkuna raggooda ixtiraamaan oo ay wanaajiyaan, dhadhanka nolosha guurku maaha in awlaad la dhalo oo sariirta la wadaago, waa isu debecsanaan isu soo dhawayn, kalgacayl, is xushmayn, kala danbayn, kalsooni iyo muxubo labada qof ku wada noolaadaan.

Gabadhu hadday ninkeeda ka ilaaliso maqal xun, dhaqan xun iyo ur xun, ninkuna haduu ka ilaaliyo ooridiisa wixii niyad jab iyo qalbi jab ku keenaaya, lammaanaha laamaha nolosha wadaaga nolosha kuma kala xiisa goynayaan intay jiraan, aasaaska qoysku waa isla garasho iyo is fahan lamaanaha dhexyaala”

W/Q: Maxamed Siddiiq Dhamme

Check Also

faaidooyinka guurka, caafimaadka

Faaidooyinka Guurka Uu U Leeyahay Dumarka Iyo Cudurrada Uu Ka Caabbiyo

Cidi shaki kama qabto in guurku uu yahay furaha xasiloonida ee ragga iyo dumarka labadoodaba, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *