Maxaa Dhacaya Haddii Quraacda Laga Boodo?!

quraacda, quraac, quraac la'aanta,

Quraacdu waa cuntada ugu muhiimsan ee la cuno, waxay jirka u tahay shidaal iyo il aasaasi ah oo laga helo tamar iyo firfircooni si qofku uu si wanaagsan ugu qabsado howl-maalmeedkiisa, waxaana muhiim cuntada subiixii la cunayo inay ahaato mid nafaqo leh oo caafimaadka uroon.

Waxaa quraacda laga helaa nafaqo sida fiitamiinno iyo macdano muhiim ah oo jirka siiya firfircooni, maskaxdana ka caawiya inay awood u yeelato iska caabbinta niyad-jabka iyo culaysyada kale.

Dad badan ayaa waqtiga oo ku ciriiri ah darteed aan subaxdii quraacan, ama aaminsanba in quraac la’aantu miisaanka ka dhimayso!

Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in quraacda oo laga tago ay tahay arrin halisteeda leh oo horseeda xanuunno badan. Quraac la’aantu waxay sababtaa caajis badan, xanaaq iyo ufiirsiga oo qofka ka luma.

Qoraalkan waxaan ku soo qaadanaynaa xanuunnada laga qaado quraac la’aanta subaxdii taas oo lagu xaqiijiyay cilmi baarisyo kala duwan oo la sameeyay:

Kororka buurnida:

Waxaa la xaqiijiyey in quraacdu ay jirka u ilaaliso miisaanka caafimaadka qaba, oo haddii uu qofku ku dadaalo nooca cunto ee uu cunayo iyo xaddiga uu ka cunayo ay hubaal tahay in miisaankiisu uusan ka kordhayn intii loo baahnaa. Quraacdu waxa ay xakamaysaa gaajada maalintii oo dhan, waxayna qofka fursad u siinaysaa in uusan qadada isku badin, maadaama oo uusan gaajo badan dareemayn kol haddii uu quraacday. Quraacda oo laga boodo waxay sababtaa qofku inuu iska badiyo cuntada maalinta inta hartay taas oo kordhisa halista buurnida.

Xanaaq badan:

Quraac la’aantu waxay sababtaa daal badan iyo in qofku uu si fudud u xanaaqo. Caloosha marka ay maran tahay waxaa qofka ku yaraada xasiiloonida iyo dulqaadka. Dadka quraacda way ka firfircoon yihiin wayna ka dareen wanaagsan yihiin kuwa quraacda ka booda.

Khatarta cudurrada wadnaha:

Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka quraacda ka taga ay kaga halista badan yihiin xanuunnada wadnaha ku dhaco kuwa iyagu sida joogtada ah u quraacda subax kasta. quraacdu waxa ay ka qayb qaadataa hoos u dhigidda heerka kalastaroolka aan fiicnayn ee dhiigga raaca, yaraynta dhiig karka, wadne xanuunka. Quraacdu waxa ay ka hortag fiican u tahay inta badan ee xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga, gaar ahaan marka qofku uu joogteeyo jimicsiga.

Khatarta cudurka macaanka nooca 2-aad:

Daraasad la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in dumarka aan quraacanin ay 54% kaga halis badan yihiin cudurka macaanka noociisa 2-aad dumarka quraacda. Quraac la’aantu waxay kordhisaa khatarta cudurka macaanka nooca 2-aad, khaasatan dumarka.

Hoos u dhaca awoodda maskaxda:

Cilmi baaris lagu sameeyay caruur dhigata dugsiga hoose, ayaa lagu arkay in caruurta dugsiga yimaada iyagoo aan soo quraacnin xusuustooda dhow ay ka hoosayso marka loo barbar dhigo caruurta iyagu soo quraacday. Waxaa kaloo quraac la’aanta laga qaadaa hilmaan badan iyo heerka fahamka oo hoos u dhaca.

Madax xanuun iyo madax farad:

Quraac la’aanta waxa ay keentaa in sonkorta dhiigga ay hoos u dhacdo, taas oo kicisa hormoonnada taas iyaduna kordhisaa cadaadiska dhiigga ugu dambeyna sababta madax xanuun iyo madax farad.

Gaaska:

Quraac la’aantu waxay kordhisaa heerka aashitada caloosha waxay kicisaa gaaska, aashitadu waxay xanuujisaa xuubka caloosha marka aysan ku jirin wax ay burburiso ama shiiddo.

Noocyada quraacda ee la ammaano waxaa ka mid ah boorashka, cuntooyinka heedda ama qamandiga ka samaysan iyo khudradda.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *