Muhiimadda Cunista Xabbad Moos Ah Hurdada Ka Hor!

Muuska, mooskaDaraasad dhowan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in muusku faa’ido balaadhan u lee yahay dadka, gaar ahaana markay seexanayaan,iyada oo ay daraasadani awooda saartay xidhiidhka ka dhexeeya mooska iyo hurdada.

Kooxdan samaysay daraasadan ayaa sheegtay in habeenkii oo marka la seexanaayo 10 minit ka hor la cuno xabad moos ay keento hurdo jidhka ka dhigta mid aad nasta, gaar ahaana marka la daalo,waxaanay xuseen in subixii ay taasi keento in qofku uu kaco isaga oo aan dareemin wax caajis ah.

Qofkaasina waxa uu subaxaasi noqdaa mid aad u firfircoon,taas oo u sahasha inuu si fiican u guto shaqadiisa maalintaasi.

Mooska ayay sheegeen kooxdan khubarada ahi inay ku jirto maado lagu magcaabo Sievers Serotonin, taas oo lamid ah dhecaanka keena hurdada ee jidhka laga helo , sidoo kalena ay dhici karto inay ka fiicnaato ,siday ku sheegeen warbixintoodan oo ay ku qoreen wargeyska Daily Mail.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *