Noocyada Cuntooyinka U Daran Caafimaadka Dheefshiidka

Cuntooyinka aan u fiicneyn caafimaadka dheefshiidka:

Cuntooyinka xun:

Cuntooyinka ka samaysan labeenta caanaha sida farmaajada iyo caanaha ayaa ah kuwa keena calool istaag. Hadii aad arintaan ogaato waxaad isku daydaa inaad yareyso ama joojiso cunnooynka ka samaysan labeenta caanaha.

Cunooyinka fudud ama marwalba diyaarsan (fast Food)

Cunooyinkaan ayaa ah kuwo dadku ay cunaan inta badan xiliyada ay mashquulka yihiin oo aysan ka gaari karin cunnada kale, waxaa laga yaabaa inay u wanaag san tahay ilaalinta waqtiga iyo shaqada qofka, balse maahan mid u wanaag san dheefshiidka, waxayna hoos u dhigtaa dheefshiidka maadama uu ku yaryahay faybarku. Waxaa ka mid ah cunnooyinkan beegarrada, sandwich-yada iyo baradhada shiilan ee chips-ta loo yaqaan

Cuntooyinka shiilan:

Cunnooyinka shiilan waa cunooyin macaan oo dhadhanka ku wanaag san balse waxay u xunyihiin guud ahaan caafimaadka gaar ahaan kan dheefshiid, waxaa cunnooyinkaan ku badan dufinka, kaasoo hoos u dhiga heerka dheefshiidka. Cunooyinka shiilan ayaa ka qayb qaata in saxaradu ay qofka ku dhagto.

Ukunta:

Ukunta waxaaa ka buuxa borootiiin balse waxaa ku yar faybar, mana ahan mid u wanaag san habka dheefshiidka, hadii aad cunnayso ukun isku day inaad ku lifaaqdo cunnooyinka faybarka leh sida inaad ku kariso yaanyada.

Hilibka Solan:

Hilibka solan waxaa ku badan borotiinka iyo dufinka mana lahan xataa xadi yar oo faybar ah. Solaygu uma wanaagsana dheefshiidka, waxaana marwalba oo la cunayo solay haboon in lagu cuno cunooyinka ka kooban faybarka si looga hortago calool istaagga.

Macmacaanka:

Macmacaanka sida doolshada iyo shukulaatada waxay hoos u dhigaan heerka dheefshiidka. Isku day inaad ku badasho booskooda caanaha garoorka ah iyo miraha noocyadooda kala duwan. Waxaa hubaal ah inay kor u qaadayaan heerka caafimaadka dheefshiidkaaga.

Canjeelada laga sameeyay burka cad kaliya:

Rootiga cad ama Canjeelada ka samaysan burka kaliya. Dheefshiidka way ku culaystahay inuu u shaqeeyo habka loo baahan yahay marka ay timaado cunnooyinka ka samaysan burka oo kaliya. Isku day inaad cunto canjeelo ama rooti ka samaysan iskudar qamadiga burka ama galaydaba. Cunooyinkaan waxay ka kooban yihiin faybar waxayna kor u qaadayaan dheefshiidka

Akhriso: Cabitaanno Dalkeenna Laga Helo Oo U Fiican Caafimaadka Dheefshiidka, Suntana Ka Nadiifiya

Kafeega:

Waxaa la faham san yahay in dadka caba kafeega ay la noolyihiin calool istaag walow qaarkood aysan lakulmin xalaadaan, yareynta cabida kafeega ama in lala cabo biyo ayaa ah mid u wanaag san dheefshiidka.

Check Also

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *