Caabuqa Ku Dhaca Xubinta Taranka Ee Dumarka (VAGINITIS)

Vaginitis: waa caabuq ku dhaca xubinta taranka ee dumarka (ferjiga) wuxuuna keenaa dheecaan, Cuncun ,iyo xanuun.

Maxaa Sababo?

  • Waxaa sababa isbedel kuyimaada bacteria xubinta taranka dumarka (ferjiga)
  • caabuq,
  • yaraanshaha hormonka estrogen xilliga dhalmadayska kadib iyo khal khalka ku dhaca jirka.

CALAAMDAHA CAABUQA KU DHACA FERJIGA

  • isbedel kuyimaada dheecanka ka yimaada farjiga sida ur iyo midabkoo doorsooma.
  • cuncun iyo xajiin
  • xanuun yimaada xiliga galmada.
  • xunuun badan oo yimaada xiliga kaadida.

QAYBAHA CAABUQA KU DHACA FERJIGA:

  • Bactria vaginitis: waa xaalad isbedel ku dhaco bacteria laga helo vaginaha ama ay badato tirada bakteeriya , caadi ahaan bacteria laga helo farjiga waxaa ladhehaa (lactobacilli ) sidoo kale color dheecan ka ferjiga waxuu u ekaanaya Cadaan xigeen urtiisuna waxay u urtaa sidii shidaalkii oo kale .
  • yeast infection : inta badan waxaa sababa fanguska loo yaqaano Candida albicans calaamadihiisa waxaa kamid ah cuncun waxuu u ekaadaa mid adag oo dheecaan kayimaado.
  • Trichomoniasis : waa noole gooriyaan ah oo kunool xubinta taranka Waxaan lagu magacabaa trichomoniasis midabka dheecanka ka imanaya farjiga waxuu u ekaadaa jaale-cagaarxigeen ah ,waxuu ku gudbaa sexually (galmada) ,waxuuna ku dhici karaa rag iyo dumarba.

YAA KHATAR UGU JIRA CAABUQA FERJIGA?

  • Dumarka badsada galmada aan xalaasha ahayn.
  • Hadaad qabto xanuunada lagu kala qaado galmada.
  • Hadaad qabto macaan aan control nayn.
  • Isticmaalka dawooyinka dila xawada raga.
  • Qaadashada dawooyinka tusaale antibiotics.
  • Isbedelka ku dhaca hormoonada. Iwm

Check Also

cuntooyinka suxuurta, ramadaanka

Cuntooyinka Aan Ku Fiicnayn Suxuurta Ee Ay Tahay In Laga Fogaado

Ramadaanka waxaa is beddela nidaamka cunto ee dadka soomaya, waxa ay sabab u noqon kartaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *