Astaamaha Qarsoon Ee Kansarka Mindhicirrada Caloosha Ku Dhaco & Cunnada Looga Hortago

Mindhicirrada waaweyn waa xubnayaasha ugu muhiimsan ee qashinsaarka iyo in biyaha laga nuugo u qaabilsan jirka. Kansarka ku dhaca mindhicirka weyn waxaa loo yaqaanaa “colon cancer” ama “colorectal cancer” waa kansarka saddeexaad ee dunida ugu badan, wuxuu ku badan oo uu aafeeyaa dadka waa weyn ee da’da ah walow uu ku dhici karo da’a kasta.

Calaamadaha kansarka mindhicirrada:

  • Dhiig ka imaadaha xaga danbe.
  • Degenaanshiyo iyo raaxo la’aan uurku jirta ah.
  • Casiraad, guux iyo xanuun mindhicirada ah.
  • Dareen in mindhiciradu ayna madhanyn oo dibiro oo kale ah.
  • Awood darro.
  • Yalaalugo badan.
  • Miisaanka oo si degdeg ah u luma.

Waxaan halkaan ku soo aruurinay cuntooyinka ugu fiican ee lagula dagaallamo kansarka mindhicirrada. Sii akhri si aad wax badan uga ogaaato waxyaabaha dabiiciga ah ee ka hortagga kansarka mindhicirrada waa wayn.

Xawaash dhuudhuubka madow (black cumin):

Xawaash dhuudhuubka waxaa ku jirta maado lagu magacaabo “cuminaldehyde”, taas oo ka hortagta koriimada iyo tarmidda unugyada kansarka, si looga hortago kansarka mindhicirrada.

Miraha saytuunka:

Miraha saytuunku waxay xambaarsan yihiin faa’idooyin badan oo caafimaad waxay qani ku yihiin fitamiin C, wuxuu caawiyaa kobcinta heerka dheefsiga cunnada, awood siinta difaaca jirka iyo sare u qaadista caafimaadka maqaarka. Sidoo kale, fitamiin C, wuxuu unugyada mindhicirrada ka caawiyaa la dagaallanka unugyada kansarka sidaas awgeed, wuxuu ka hortagaa kansarka mindhicirrada.

Khudaarta caleemaha cagaaran:

Khudaarta caleemaha cagaaran sida koostada iyo kale-ka waxaa ka buuxo nafaqo awood badan sida maadooyinka sunsaarista, iron, macaadin iyo fitamiinno. Maadooyinka sunsaarista ee ku jira khudaarta caleemaha cagaaran waxay xannibaan koriimada aan caadiga ahayn ee unugyada kansarka ee mindhicirrada sidaas darteed waxay ka hortag u yihiin kansarka mindhicirrada.

Mooska:

Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiidka, waxaa ku badan Faybarta, kaas oo calool fadhiga ka hortagta, dheefshiidkana u wanaagsan. Waxaa kaloo mooska ku jirta maado la yiraahdo “pectin” oo yareysa shubanka kana hortagta kansarka mindhicirrada ku dhaco.

Baamiyaha:

Baamiyuhu wuxuu ka mid yahay khudaarta ugu wanaagsan ee lagu daweeyo cilladaha caloosha sida gaaska, aashitada, iyo calool istaagga. Baamiyaha waxaa ku jira dheecaan burburiyeyaal ka hortagga kansarka mindhicirrada maadaama ay xoojiyaan unugyada mindhicirrada si ay ula dagaallamaan walxaha kansarka sida.

Kalluunka:

Kalluunka waxaa ka buuxo nafaqooyin waxtar badan sida dufanka omega3 iyo fitamiin E, kuwaas oo faa’ido u leh miisaan dhimista, kor u qaadista shaqada maskaxda iyo dheefsiga cunnada. Dufanka omega3 ee ku jira kalluunka wuxuu kaloo ka hortaggaa unugyada kansarka ee naasaha iyo malawadka.

Caanaha la fadhiisiyay:

Caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno yoghurt-ka waxay kordhiyaan bakteeriyada nacfiga leh ee mindhicirrada, taas oo muhiim u ah ilaalinta caafimaadka mindhicirrada.

Badarka:

Badarka sida heedda, masagada, qamadiga, galleyda, bariiska maariinka ah iyo boorashka waxay kor sare u qaadaan caafimaadka guud ee mindhicirrada sidaas darteed waxay yareeyaan halista kansarka mindhicirrada ku dhaco. Badarka waxaa ku badan faybarka, waxay sunta ka nadiifiyaan mindhicirrada, waxayna ka hortagaan kansarka mindhicirrada.

Lawska:

Lawska waxaa ku badan dufanka omega 3 iyo macdanta magnesium oo labaduba xanniba koriimada iyo tarmidda unugyada kansarka ee mindhicirrada, sidaas darteed waxay yareeyaan halista kansarka malawadka ku dhaca. Daraasad lagu sameeyay wadanka mareykanka waxaa lagu ogaaday dadka lawska cuna toddobaadkii laba jeer ugu yaraan inay boqolkiiba 58% uu yareeyay halista kansarka ku dhaca malawadka.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *