7 Arrimood Oo Ka Dhasha Cabista Biyaha Kulul Subax Walba

biyo kulul, biyaha,

Waxaa laga yaabaa inaad subixi qac kasiisid koob shaax ama qaxwo ah si aad furfurnaan uga qaadid, halka dadka qaarkood laga yaabo iney koob biyo qabow ah ku bilaabaan maalintooda. Arimahaas waxey noqon karaan waxyaabaha la sameeyo maalin walbo, hasa yeeshee waxaan maanta soo bandhigeynaa arin lagu ogaaday cilmi baaris badan oo ah in marka lacabo biyo diiran subaxdi ay ka caafimaad wanaagsansan tahay in la cabo shaax iyo qaxwo.

Dhaqaatiirta ayaa kula taliya bulshada inay inta badan subaxdi cabaan biyo diirran, ayna kasii fiican tahay hadii lagu daro liin dhanaan, sababtu waxay tahay biyaha diiran waxey sahlaan dheefshiidka sidoo kale waxey maareeyaan xakameynta dhaqdhaqaaqa saxarada.

Waxaan hoos ku xuseynaa 7 sheey oo u wanaagsan jirka qofka oo ka dhasha cabidda biyo kulul ah subax walba.

1. Waxaa yaraada xanuunka

Waxaa laga helaa walxa awood badan oo khafiifiya xanuunka ka dhasha caadada, sidoo kale waxay dejisaa murqaha caloosha si loo yareeyo xanuunka weheliya caadada, sidoo kale biyaha kulul waxay u wanaagsan yihiin majiirka sababtoo ah waxay kor u qaadaan dhaqdhaqaaqa dhiiga mara xididada yaryar sidaa darteed waxaa kala baxa murqaha jirka

2. Waxaa fududaada dhimista miisaanka

Hadii aad isku dayeysid inaad ridid miisaankaaga, waxaa suurta gal ah inaad horay u maqashay in ay wanaagsan tahay in la cabo koob biyo kulul subaxdi. Waa sax. Biyaha diiran waxay kor uqaadaan heerkulka jirka, arintaas waxay sababeysaa in jirka uu kor u qaado kiimikaal shiidka uu sameeyo jirka, kiimikaal shiidka kor u kacay wuxuu sahlayaa in jirka uu gubo enerji badan maalintaas oo dhan.

Hadii aad subax kasta cabtid biyo kulul oo lagu daray limo dhanaan, waxaa kor u kacaya burburinta jirkaaga uu ku sameynayo baruurta ku jirta gudaha jirka, sidoo kale biyo kulul oo lagu daran liin waxey hoos u dhigtaa jamashada cunnooyinka qaar ee lagu cayilo.

3. Waxey kor u kaca habka dheefshiidka

Hadii aad cabtid koob biyo kulul subaxdi waxaad kicineysaa habkaaga dheefshiidka si uu si fiican u shiido cunnada, jirkana uga saaro haraadiga cunnada. Waxaa arintaan liddi ku ah in laga daba cabo cunnada cabitaan qabow, sabatoo ah, biyaha qabow waxey adkeynayaan saliidda iyo dufanka ku jira cunnada aad cuntay. Sidaa darteed waxaa sameysmaya dufan aan si fiican loo shiidi karin.

4. Kahortagga gabowga degdegga ah

Majiro cid dooneysa iney dhaqso ku gabowdo; hasa yeeshee wasakhda ku sameysanta gudaha jirka ayaa fududeysa in qofka uu si dhaqso ah ku duqoobo. Marka ay wasakh buux dhaafiso jirkaaga, jirku wuxuu u nuglaanayaa jiro iyo gabow degdeg ah. Biyaha diiran waxey ka nadiifiyaan jirka wasakhda, sidoo kale waxey fududeeyaan dayactirka unugyada maqaarka ee sahla in maqaarka uu jiidjiidmo.

Akhriso: 7 arrimood oo laga qaado cimri degdeg

5. Waxaa kor u kaca qulqulka dhiiga

Biyaha kulul waxay nadiifiyaan wasakhda ku keydsanta habka dareemaha iyo gudaha xididaha, sidaa darteed waxaa furmo xididaha, sidoo kale biyaha kulul waxey kala furfuraan murqaha ay xididada ka sameysan yihiin ayadoo meesha kasaareysa dhiiga aan si habsami ah u qulquleynin.

6. Ka hortagga calool fadhiga

Badankeen horay waan u soo marnay calool fadhi, waana arin dadka kaqaada raaxada, calool fadhigu waa xaalad caan ah ee xaga caloosha ah, sababta keenta calool fadhiga ayaa ah in qofka uusan qaadan biyo ku fican. Hadii subaxdi aad cabtid biyo diiran inta aadan wax cunin, waxaad qaaday tillaabo aad uga gaashamaneysid calool fadhiga

7. Waxaa saxmaya hurdada

Qofka hadii uu cabo biyo diiran cashada kedib, waxey ka caawineysaa in jirka uu dareemo nasiino, arintaan ayaa abaarta hurdada qofka, sidoo kale waxay kaa caawineysaa inaad xakameysid inaad habeenki xili dambe u soo kacdid inaad wax cuntid.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *