Faa’idooyinka Waa Wayn Ee Canabka Iyo Xanuunnada Uu Ka Hortagga U Yahay

faaidooyinka canabka, canab

Canabka waa miro macaan oo nafaqo badan oo caruurta iyo waa waynba ay jecel yihiin, maadooyinka ku jira waxaa ka mid ah fatty acids, barootinnada amino acids iyo FLAVONOIDS oo dhammaantood faa’ido u leh caafimaadka qofka, canabku wuxuu leeyahay midabo kala duwan sida, guduud, cagaar, madow, jaalle, iyo midabka casuuska (purple).

Nafaqooyinka canabka laga helo waxaa ka mid ah barootiin, carbohydrate, fibre kaalsiyam, birta (iron) fiitamiinnada C iyo iyo A.

Canabka waxaa ka buuxo maadooyinka sunsaarista jirka u qaabilsan ee loo yaqaanno “Antioxidants”, maadooyinkani waxay unuyada jirka ka ilaaliyaan dhaawaca ka dhasha sunta ka dhalata waxyaabaha jirka galo. Aan eegno faa’idooyinka caafimaad ee canabka:

Sare u qaadista caafimaadka wadnaha:

Maadooyinka “Quercetin” iyo “resveratrol” ee laga helo canabka waxay ka hortagaan in halbowlayaasha ay gufaysmaan (atherosclerosis) iyo kolestaroolka xun. Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in joogtaynta cunista canabku ay hoos u dhigto kolestaroolka xun.

Dhiig karka:

Canabka waxaa ka ku jirta macdanta potassium oo xakamaysa cadaadiska dhiigga. Potassium-ta badan iyo heerka sodium-ta ee yar waxay hoos u dhigaan khatarta wadne xanuunka.

Yaraynta heerka kolestaroolka:

Maadada “Flavonoids” ee ku jirta Canabka waxa ay hoos u dhigtaa heerka kolestaroolka waxayna caawisa isku-dheelitirka dufanka marka horeba khafiifka ah ee LDL loo yaqaanno ama kalastaroolka xun iyo cufanka cufkiisu sarreeyo (High Density Lipoproteins HDL). Taas oo hoos u dhigaysa khatarta wadne istaagga, cudurka faaligga, iyo xanuunka xididka wadnaha (coronary artery disease)

Ka hortagga macaanka:

Canabka waxaa ku yar waxa loo yaqaanno “glycemic index (GI)” oo ah cabbirka dhaqsiyaha ay cunnadu kor ugu qaado heerka sonkorta dhiigga. Canabka waxaa ku jirta maado la yiraahdo “Resveratrol” oo caawisa in sonkorta dhiigga heerkeeda dabiiciga ah aysan iska beddelin.

Caafimaadka maqaarka iyo timaha:

Canabka waxaa ka buuxo fitamiin C oo muhiim u ah difaaca jirka, wuxuuna ka caawiyaa ka hortagga xanuunada jeermisyaha ka dhasho, sidoo kale fitamiin C-ga wuxuu muhiim u yahay caafimaadka maqaarka, dadka joogteeyo canabka jirkooda dhakhso ma yeesho calaamadaha duqnimada sida laalaab ama duuduub. Canabku maqaarka wuxuu u sameeyaa dhalaal dabiici ah, wuxuu daaweeyaa finanka. Wuxuu timaha ka ilaaliyaa daadashada iyo cirrada.

Caafimaadka indhaha:

Canabku wuxuu kaloo ka hortagaa daawana u yahay xanuun ku dhaco indhaha loona yaqaanno “Macular Degeneration”, cilladaani waxay timaadaa qofka markuu duqoobo, wuxuu kaloo ka hortagaa caadka indhaha fuulo.

Kobcinta difaaca jirka:

Canabku wuxuu ka mid yahay cunnada kor u qaada difaaca jirka, sidaan kor kusoo xusnay waxaa buuxo fitamiin C oo ka hortagaa bakteeriyada, fayrasyada iyo infekshannada, waxaa kaloo laga helaa fitamiinka E oo ka qayb qaata kobcinta difaaca jirka isagoo ka saacido waxyaabo badan.

Caafimaadka lafaha:

Canabka waxaa ku jira maadooyinka resveratrol, calcium, fitamiin K, manganese, magnesium iyo potassium oo dhammaantood ka qeyb qaata kobcinta cufnaanta lafaha. Canabku wuxuu ka hortagaa xaalada lafo burburka oo ku badan dumarka.

La dagaalanka cudurka kansarka:

Mirahaan waxaa jiro ku maadooyin ka hortagga koritaanka iyo fidista kansarka khaasatan kansarka naasaha iyo kansarka ku dhaco malawadka.

Caafimaadka maskaxda:

Canabku waxa uu hoos u dhigaa madax xanuunka, waxa uu xoojiyaa caafimaadka maskaxda, waxa uu ka hortagaa cudurka maskaxda burburiya ee Alzhiemer ka, qofka uu ku dhacana waxa uu u noqdaa dawo wax badan ka caawisa. Miraha canabku waxay xoojiyaan xusuusta, waxayna wanaajiyaan dareenka qofka.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *