Habab Kor Loogu Qaado Awoodda Maskaxda, Garashadana Kordhiya

awooda maskaxda

Jimicsiga maskaxda waxa uu noqday dhaqan dunida ku soo kordhay oo muddooyinkan dambe aad loo isticmaalo, waxaana jira tababarro kala duwan iyo barnaamijyo arrintaas ku habboon. Maskaxda aadamuhu waa sida jidhka kale, waxa ay u baahan tahay jimicsi iyo tababarro ay ku kobocdo, xaaladdeeda shaqana ku fiicnaato si aanay u daciifin awoodda garasho ee qofku.

Sida ay ku warrantay shabakadda Aljazeera, qoraaga Elizabeth Ptapova ayaa maqaal ay dhowaan ku qortay shabakad laga leeyahay dalka Ruushka waxa ay ku soo bandhigtay habab ay sheegtay in ay maskaxda u noqon karaan jimicsi caawiya in ay si habsami ah hawlaheeda u gudato. Kuwaas oo ay ka mid yihiin;

HAL XIDHAALEYAASHA MASKAXDA KA SHAQAYSIIYA:

Furfurista iyo xal u raadinta hal xidhaalayaasha ku dhisan xisaabta ama hadallada maskaxda uga baahan shaqadu waxa ay ka mid yihiin jimicsiyada maskaxda bani’aadamka dhisa isla markaana ku tababara dhaqso u fikirka, sidaa awgeed waxaa fiican in qofku uu maalin kasta 15 daqiiqo ka shaqeeyo hal xidhaaleyaasha noocan ah.

U FIIRSIGA

U fiirsiga badani waxa uu maskaxda ku abuuraa firfircooni iyo in ay u shaqayso si ka duwan sida ay u shaqayso marka aanay shayga fiiro gaar ah u lahayn, sidaa awgeed in aad arrimaha qaar si xeeldheer ugu fiirsato ugana fikirtaa waa jimicsi u fiican maskaxda.

CUNTADA

Cuntooyinka aynu cunnaa raadad kala duwan ayaa ay ku yeeshaan maskaxda, sidaa awgeed waxaa waajib ah in aad ka dheeraato cuntooyinka caqabadda ku noqon kara wareegga dhiigga ama looga cabsado in ay xidhaan xididdada dhiigga. Waxaa ka mid ah cuntooyinka ay ku badan yihiin milixda iyo sonkortu. Waxaa kale oo ka mid ah dhammaan cuntooyinka ay kaarboohaydaraytka badan iyo dufanku ku jiraan.

Waxa ay khubaradu ku taliyaan cuntooyinka noocyada kala duwan ka kooban, iyo in kalluunka, beedka, caanaha, badarka, khudradah iyo malabku ay ka mid noqdaan cuntooyinka joogtada loo cuno, maadaama oo la ogaaday in ay faa’iido u leeyihiin maskaxda iyo guud ahaan jidhka.

SHEEKADA

Ka sheekaynta sheekooyinku waa nooc ka mid ah jimicsiyada maskaxdu u baahan tahay. ku dadaal in aad u sheekayso si qurux badan oo dareenka dadka soo jeedinaysa, si dadka ku dhegeysanayaan ay dhugmo ugu yeeshaan hadalkaaga.
Ku dadaal in aad barato xeeladaha kala duwan ee lagu kasban karo dareenka dhegeysi ee qofka. Taas oo macnaheedu yahay in sheekada oo keliyi aanay ku filnayn, balse sida loo werinayo sheekaduna ay muhiim tahay.

Jooji Talefishanka

Talefishanku raad taban ayaa uu ku leeyahay habsami u shaqaynta maskaxda, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in la iska joojiyo daawashada badan ee talefishanka.

DHISMAHA JIDHKA

Jimicsiga jidhku waxa uu sida oo kale dhisaa maskaxda aadamaha, gaar ahaan xusuusta iyo awoodda ay u leedahay dhugmada. Waxa uu jimicsigu yareeyaa sakatiga iyo qulubka, waxa aanu wanaajiyaa awoodda dheefsiga.

WAX AKHRISKA

Wax akhrisku waxa uu ka mid yahay jimicsiyada maskaxda aadamaha dhisa, waxa uu maskaxda ku quudiyaa xogo iyo warar aanay hore u aqoonin, waxa aanu ku dhiirrigeliyaa in ay fikirto iyo in ay arrimo kala duwan isu geyso, iskuna daydo is waafajintooda iyo gorfayntooda, arrimahaas oo ah qayb yar oo ka mid ah faa’iidooyinka wax akhriska ayaa maskaxda ku abuura firfircooni, korna u qaada habsami u shaqaynteeda.

XIRFADO CUSUB

Barashada luuqadaha iyo xirfadaha kala duwani waxa ay maskaxda u yihiin jimicsi xoojiya awooddeeda xusuusta, iyo dhaqso u fikirka, isla markaana kobciya dhugmadeeda iyo fariidnimadeeda.

Akhriso: Xirfadaha & Kartiyaha Kala Duwan Ee Ku Habboon Da’a Kasta Oo Ka Mid Ah Cimriga Dadka

CAADO BEDDEL

In la bed-beddelo caadooyinka, tusaale ahaan in aan jid keliya maalin kasta la marin, ee jidad kala duwan shaqada iyo guriga loo maro, in albaabka hadba gacan lagu furo, iyo guud ahaan in la bedbeddlo caadooyinka nololeed ee kala duwani waxa ay maskaxda ku abuuraan baraarugsanaan iyo in ay yeelato fiiro.

W/T: KAMAAL MARJAAN

facebook Page: Kamaal MARJAAN

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *