17 Ficil Oo Hadaad Caadeysato Qalbigaaga Nuur Ku Furaya

qalbigaagaDiintu Waa Nasteexo

Mahad oo dhan illaahay ayaa ay u sugnaatay swt.nabad gelyo iyo naxariisina Rasuulkeena korkiisa ha ahaato scw. intaa ka dib walaalayaal diintu waa nasteexo

waxaa halkan kusoo gudbin doonaa insha alah kelimaad nasteexo ah .

waana in ka badan kun naseexo marba intii waqtigu inoo saamaxo ayaan soo gudbin doonaa.

1-niyadaada Illaahay u khaas yeel kana digtoonow wixii camala eed qabanayso ama hadal aad odhanayso inaad ku dartid is tusnimo iyo is maqashiin.

2-raac sunada rasuulka scw dhamaan hadalkaaga iyo ficiladaada iyo dhaqanadaada iyo akhlaaqdaada.

3-Cabsida Illaahay badi oo go’aan ka dhigo inaad qabato wixii Illaahay ku amarkay kana fogow wixii Alle kaa nahyiyey.

4-u toobad keen alle swt toobad nasuuxa istiqfaartana fara badi.

5-Illaahay ogow inuu ku arkayo dhamaan dhaqdhaqaagaaga iyo fadhigaaga .

6-u hogaansan axkaamta diinta waayo islaamnimadu waa hogaansan iyo khuduuc umuuraha diintana ha ka dhigin waxaad caqligaaga ka qiyaasato.

7-la fadhiiso culumada jeclow ka faaiidayso ixtiraam caruurtaadana sifadaas ku tarbiyadee waayo culumadu waxay dhaxleen anbiyada.

8-weligaa dhegayso waanada kana faa’iidayso.

9-xaqa aqbal cidii tidhaahdaba ha yaraato ha waynaato kana digtoonow inaad canaado ama iska waynaysiiso.

10-caqiidadaada sax adigoo raacaya kitaabka Alle swt iyo sunada Rasuulka iskana ilaali caqiidad baadilka iyo waxyaabaha lagu gaaloobo.

11-Rumee Illaahay swt malaa’iigta, kutubta ,Rususha, qiyaamada iyo Qadarka Alle swt.

12-Haku dayan cid aanad aqoon caqiidadiisa.

13-Quraanka ha ku fasirin ra’yigaaga laakiin raac sunada saxiixa ah siday u fasirtay iyo culumadu.

14-kutubta cilmiga daalaco iyo barashada cilmiga iyo barista dadka waayo waxaa ugu khayr badan dadka ka wax barta dadkana wax bara ,

15-kaydso oo dhigo gurigaaga kutubta faa’iidada leh kuna akhriso dadkaagana u akhri markaad fursada u haysato.

16-iska ilaali jaraaidka xumaanta qora ama sawira ha akhrisan kuwa neceb diinta.

17-weligaa ahow mid u dheereeya khayrka kana fogaada sharka.

Check Also

cimri dheer,

Asbaabaha Ay Dumarku Uga Cimri Dheer Yihiin Ragga

Qormadan waxaynu akhristayaasha kula wadaagaynaa mawduuc xiise badan oo ay cilmibaadhayaashu daraasado kadib ku soo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *