Weligaa Ilmahaaga Ha U Garaacin Khalad U Sameeyay!!! SIDEE CARUURTA LOO SIXI KARAA?

garaacista caruurta ilmahaagaMar kasta oo waalidka gaar ahaan Soomaalida ah ee gudaha jooga laga codsado I aanu ilmihiisa ciqaab jidheed iyo mid nafsi ah u geysan ereyga ugu horreeya ee afkiisa ka soo baxaa waa, “Markaa ilmuhu marka uu qaldamo side la odhanayaa? Haddii mar loo digo marka uu qaladku soo noqnoqdo maxaa lagu samaynayaa? Marar bay dhacdaaba in isaga oo kugu caragsanaya ilmuhu uu gefka sameeyo, maxaad ku samayn lahayd ee aan garaacis ahayn?

Ereyadan iyo kuwo la mid ah oo waalidku ku doodayaa marar badan garowshiyo ayaa ay leeyihiin, waxaa iyaguna mar kasta garowshiyo leh hadallada ay dhakhaatiirta caafimaadka nafsiga ahi si aan daah saarnayn ugu celcelinayaan ee ah, “Weligaa ilmahaaga ha garaacin, nooc kasta oo uu garaac yahayba! Weligaa erey xun oo aflagaaddo, xaddidaad, xaqiraad iwm ah ha ku odhan, iska jir in aad si nafsi ah u ciqaabto oo tusaale ahaan wax uu doonayo u diiddo”

Qormadan oo aynu Afsoomaali usoo rognay waxa ay bilowgaba waalidka tusaysaa sababaha keenaya in ilmuhu qaldamo:

  •  Ilmuhu waxa uu qaldamayaa isaga oo laga yaabo in aanu sidii saxda ahayd garanayn.
  •  Ilmuhu waxa uu qaldamayaa isaga oo laga yaabo in uu saxdii garanayo laakiin sidii saxda ahayd samaynteeda aanu garanayn ama halka uu u marayo aanu fahamsanayn.
  •  Ilmuhu waxaa laga yaabaa in uu qaladka sameeyey isaga oo saxdii garanaya, sidii loo samaynayey saxdana garanaya, laakiin gala yaabo in uu illaaway ama ka il-duufay.
  •  Ilmuhu waxaa laga yaabaa in qaladka uu sameeyo isaga oo keliya doonaya in uu indhaha isku soo jeediyo, xitaa haddii uu og yahay in la ciqaabayo, waayo waxa uu dareemayaa in la dayacay, la fogeeyey ama cidi aanay kaba war qabin.
  •  Ilmuhu waxa uu qaladka sameeyaa isaga oo laga yaabo in uu doonayo in uu waalidkii ciqaabo ama dhibo, waayo waxa uu tirsanayaa in lagu xad gudbay ama wax uu xaq u lahaa la dhaafiyey.
  • Waxaa laga yaabaa in qaladka ilmuhu samaynayo sababtiisuba ay tahay dadka iyo duruufaha ku xeeran oo aan ka caawinayn in uu garto sida saxa ah.
  •  Waxaaba dhacda in ilmuhu qaladkan u samaynayo xanuun uu qabo awgeed.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay, ‘Waa maxay kaalinta uu waalidku ka qaadan karo xallinta xaalad kasta oo ka mid ah xaaladaha kor ku xusan?

Kaalintee uu waalidku ka qaadan karaa xal u helidda mid kasta oo xaaladahaas ka mid ah:

  • Haddii aanusidii saxda ahayd garanayn, waxaa waalidka la gudboon in uu tilmaam iyo tusaalayn iyo waxbaris la garab istaago ilmihiisa.
  •  Haddii ilmuhu saxdii garanayo, laakiin aanu samayn garanayn ama jidkii uu u mari lahaa aanu garanayn, waxaa waalidla la gudoon in uu ilmihiisa ku tababaro marar badan uguna celceliyo tallaabooyin saxda ah ee uu qaadi karo iyo jidka uu u marayo ficilka fiican ama waxa laga doonayo ee saxda ah.
  •  Haddii sababta ilmaha qaladka ku keenaysaa ay tahay isaga oo illaawaya saxdii, waalidka waxaa la gudboon in uu xasuusiyo, waayo illowgu waa dabeecadda aadamaha oo dhan da’ kasta oo uu yahay. Mar kasta xasuusi uguna celceli, aakhirka dariiqa saxda ah ayaa noqon doono qayb shakhsiyaddiisa ka mid ah oo uu mar kasta iyada oo aanu juhdi ku bixin xasuusto.
  • Haddii ay muuqato in ilmahaagu uu dareemayo boholyow iyo in aad waqti siin weyday, oo sidaas awgeed uu kuu ciqaabayo si uu dareenkaaga isugu soo jeediyo. Naftaada dib ugu noqo, oo isweydii, Mar kasta ma talefoon ayaa aad ku hadashaa ama internet ka iyo daawashada Talefishanka ayaa aad ku mashquushaa inta aad guriga joogto? Goormaa kugu dambaysay adiga oo la ciyaara carruurtaa ama kala qayb qaata waxa uu ku maarraroobo ama xitaa meeel guriga ka baxsan u kaxeeya, oo aad aragto isaga oo si niyad ah u qoslaya?
  • Haddii aad aragto ilmihii oo ku carinaya ama wixii aad u diidday samaynaya, waxa aad garataa in aanay dhego adayg ahayn ee uu doonayo in uu ku ciqaabo! Waa hab cilmi ahaan la ogaaday oo ilmuhu uu ku muujio cadhada uu waalidkii u qabo ama hab-macaamilka waalidkii ee uu diiddan yahay. Haddii kale waxaa laga yaabaa in hab-dhaqanka xun ee ilmaha aad ku diiddan tahay uu yahay mid uu waalidkii kaga dayanayo oo waalidka qudhiisu aanu anshax fiicnayn.

Waxaa iyaduna muhiim ah in waalidku ogaado in madax adayggu, madax adayg uun dhalo, qallafsanaanta iyo dagaalkuna ay dhalaan qallafsanaan iyo dagaal uun, cadhaduna ay cadho dhasho, qasbidda ilmuhuna ay fogaanshiyo iyo fallaagow uun keento.

Waalid kasta waxaa la gudboon in uu ogaado oo barto bulshada ku xeeran ilmihiisa, saaxiibbadii, carruurta ay waxbarashada iyo ciyaarta wadaagaan iyo macallimiinta dugsiga wax ku barta. Waa in uu si xeeldheer oo nafsi ah u baadho bal in dadkaasi ay xaqiraan ilmihiisa am aka maadsadaan marka uu sida saxda ah garan waayo. In dadka ku xeerani kula macaamilaan hab ilmaha ku dhiirrigelinaya qallafsanaan, colaad ama anshax xumo.

Xaalado ilmaha ku keeni kara khalkhal nafsi ah:

–        Waxaa suurtogal ah in ilmuhu marka uu hurdo la’aan badan tirsanayo, ama uu qabo xanuun iyo kaar aanu waalidku ogeyn ama ka garaabin, ama xitaa marka uu ka soo bogsanayo xanuun iyo kaar helay ay ku keento is beddel dhinaca anshaxa iyo maskaxda ah, oo tusaale ahaan lagu arko anshax xumo aan looga baran, dabeecad xumo iyo qallafsanaan saayid ah.

–        Ilmuhu waxa uu u baahan yahay in la tuso kalgacal ficil iyo hadalba leh, in uu arko in la danaynayo, in waqtiyadiisa firaaqada looga faa’idaynayo farxadda iyo ciyaarta iyo socdaallada tamashlaha ah iyo sidoo kale in uu dareemo in waalidkii diyaar u yahay in uu daboolo baahiyaha uu tirsanayo. Arrimhaas haddii uu ilmuu dareemi waayana waxaa ku dhaca isbeddel nefsi ah iyo khalkhal acsaabta ah.

–        Waalidku waa in uu xasuusnaado awoodda iyo kartida ilmihiisu inta ay le’eg tahay. Tusaale ahaan ilma da’diisu ka yar tahay laba sano, ma’ awoodayo in uu waalidkii sida la rabo wax kasta uga maqlo una adeeco. Cilmi ahaan ayaanay taasi uba dhici Karin, waayo maskaxdiisa qaybteeda hore ayaa aan weli dhamaystirmin oo korniinkii wadda, inta ka horreysa da’da labaatanaadkana korniinkaasi waa uu soconaya.

Waalidku waa in uu fahmo in ilmuhu inta uu ku jiro da’da u dhexeysa 3 sano illaa 7 sano uu fahmi karo waxa lagu leeyahay, isla markaana isku dayi doono in uu naftiisa xakameeyo, oo uu iska ilaaliyo waxa waalidkii ama macallinkaka cadhaysiiyo, laakiin haddana isaga oo dadaalkaas ku jira dhamaystirnaan la’aanta maskaxdiisa qaybteeda hore awgeed ay dhacayso in marna uu naftiisa ka adkaado oo is xakameeyo marna ku fashilmo, sidaa awgeed dilmo uma baahna ee waxa uu u baahan yahay in marka uu is xakamayn kari waayo la xasuusiyo waxa ka dhiman iyo sida saxda ah ee ay tahay in uu u dhaqmo.

–        Marka aad la macaamilayso ilmo qaldamay, iska jir in ujeeddadaada aad ka dhigto in aad ciqaabto uun, balse xasuusnoow in ay tahay tarbiyadayn iyo anshax barid. Arrintani waxa ay iman kartaa uun marka uu ilmuhu garto xumaanta iyo qaladka ka dhashay ficilkiisa ee lagu haysto. Tusaale ahaan marka inta uu koobka quraaradda ah jebiyo, la tuso in waxaa jabay aanu dib u hagaagayn, kadibna isaga laga dalbado in burburka uu guro.

–        Arrinta ugu dambaysa ee muhiimka ahi waxa ay tahay in waalidku aanu diidmada ku badin dalabaadka ilmihiisa, haddii kale waxaa dhici in diidmadu ay qiimo la’aan ula muuqato ilmaha. Ku dadaal in marar badan waxa suurtogalka ah aad ilmahaaga ka aqbasho, kadibna bar in waxa aad diiddaa uu yahay wax aan isagana u fiicnayn. Tus in Maya waxa aad tidhaahdaa uu Maya ku dhammaado, oo haddana aanad mar kale ka noqon.

Check Also

dhareerka caruurta

Dhareerka Caruurta Ee Siyaadada Ah

Waa Maxay Dhareerka Caruurta? Calyada waxay qabataa howlo lagama maarmaan ah. Waxay muhiim u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *