Sidee Wax Loo Akhriyaa Sidee Se Loo Samaystaa Caado Akhris

sidee wax loo akhriyaaSidee Wax Loo Akhriyaa

Sidee loo samaystaa caado wax akhris? sidee la isku jeclaysiin karaa wax akhrinta?

Waxaan jecelahay idiin soo gudbiyo 5 tallaabo oo aan isleeyahay qofkii dabaqa way caawinaysaa. Waa tallaabooyin anigana i caawiyay dad badan oo aan kula taliyayna ay ku liibaaneen.

Hadaf:

Tallaabada ugu horreysa haddii aad doonayso inaad yeelato caado wax akhris waa hadaf, Wax walba oo muhiim ah oo qofka uu qabanayo ma wadi karayo hadaanu lahayn hadaf, sababta kugu xambaaraysa waa inaad taqaano. Maxaad rabtaa inaad wax u akhriso, hadaanad lahayn sabab aad wax u akhrinayso runtii way adkaanaysaa wax akhrisku inuu kuu noqdo caado.

Bilow Wanaagsan: Inta badan dadku marka ay bilaabayaan wax akhriska waxay ku bilaabaan kutub wayn ama mowduuc akadheemic ah oo ka yara wayn. Kutubtu qaar waa kaa level hooseeyaan, qaar waa kula heer qaarna waa kaa heer sareeyaan. Marka ku bilow mowduuc fudud, ta labaad mowduuc aad jeceshahay oo ku xiise gelinaya si caadada wax akhrisku ay kuugu fududaato la qabsigeeda, arrinta saddexaad waxaad ku bilowdaa buug yar. Buug wayn hadii aad ku bilaabaysid waxaad u baahan tahay inaad yaryarayso oo aad toban toban bog ama shan shan bog aad ka dhigto, laakiin waxaan aad kugula talin lahaa inaad ku bilwodo buug aad u yar

 Ku xidhiidhi Caado Hore:

Sidaan horay usoo tilmaamaynayba wax akhrisku waa caado, caadadana saynisyahannadu waxa ay yiraahdaan waxay ka kooban tahay saddex qeybood oo kala ah Cue oo wax kiciya Routine oo ah ficilkii qofka uu samaynayay iyo Reward oo ah abaal gudkii qofka uu ka helayay. Hadaba caado hore oo aad lahayd ku xidhiidhi wax akhriska waayo waxay kuu nqonaysaa cue oo markastoo aad caadadaas aad horay u lahayd aad samayso waxa kugu dhalanaya inaad wax akhriso tusaale qofka markuu hurdada kasoo kaco waa caado, saaladda subax markuu tukado waa caado, tan duhur waa caado, shaqada markuu ka yimaado waa caado, Caadooyinkaas aad leedahay ee joogtada ah ee maalin walbo aad samaynayso mid kamid ah oo aad isleedahay tamartaada iyo nashaadkaaga waad kacsantahay ku dabo  xidhiidhi. Markastoo aad caadadaas aad lahayd aad samayso waxaa kugu dhalanaya inaad wax akhriso, tan labaad maalin walbo joogteey, weliba waxaa aad muhiim u ah inaad 60-ka cisho ee ugu horreeya ee aad caadadaan wax akhriska aad samaysanayso inaad joogteyso, haday maalin ku dhaafto maalin labaad yay ku dhaafin, hadii kale waa inaad dib usoo bilowdaa caadadii, caadadu waxay samaysantaa oo ay ku abuurantaa muddo, muddadana saynisyahannadu berigii hore waxay dhihi jireen illaa iyo 30 cisho ayaa la sheegi jiray, laakiin waxay ku xidhtahay caadada intay le’egtahay, fudeedkeeda iyo culayskeeda ayay ku xidhantahay. Akhrisku wuxuu ka mid yahay caadaadaat aadka u adag. Marka waxaan kugula talinayaa inaad muddo 60 cisho ah aad joogeyso.

Samayso Dhiirrigeliyeyaal Dibadeed:

Maxaan uga jeedaa? Qofka inuu garto hadafka uu wax u akhrinayo waxaa weeye dhiirrigelin gudeed, laakiin qofka sidoo kale waxa uu u baahanyahay maadaama uu caado aadu adag abuuranayo wuxuu u baahanyahay dhiirigelin dibadeed.  Dhiirrigelin dibadeed waxaa noqon kara saaxiibo wax akhriya. Waxaa la yiraahdaa qofka wuxuu average-ka shanta qofood ee waqtiga ugu faraha badan la qaato. Shaki malahan shanta qofood ee kuugu sokeeya aad waqtiga faraha badan la qaadato hadii ay yihiin dad aan wax akhrinin adiguna waxba akhrin maysid, waayo saaxiibadu way isa saameeyaan. Samayso saaxiibo wax akhriya, Sidoo kale dhiirrigeliyeyaal dibadeed waxaa kuu noqon kara inaad booqato goobaha buugaagta lagu soo bandhigo, Maktabadaha inaad booqato, inaad naadiyada akhriska aad ku biirto oo aad ka mid noqoto iyo inaad dhageysato sooyaalka dadkii cudumada ahaa ee  akhriska ku caan baxay. Inahaas oo dhan waxay kaa caawinayaan inaad hesho dherrigelin aad kusii joogteyso weliba 60-ka cisho ee ugu horreeya

Ilaahay la kaasho:

Quluubtu waxay ku jiraan gacanta Eebe SW isagaana siduu doono u rogroga. Marka wax walba oo wanaagsan ee aad doonayso kaliya ma ahan caado wax akhrise, wax walbo oo aad doonayso inaad gaadho iyo hadafka kasta oo aad leedahay Alle Subxaana watacaalaa la kaasho.

By: Mubarak Hadi

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *