Sababaha Keena Cidhiidhiga Neefsiga Iyo Qaababka Ugu Habboon Ee Loo Daweyn Karo

Cidhiidhiga ku dhaca neefsiga qofka oo ah xaaladda khubarada caafimaadku ay u yaqaannaan Dyspnea, waa xaalad dad badan oo dunida ku nool ku haysa dhibaato iyo diiqad fara badan, laakiin haddana leh sababo kala duwan oo aynu odhan karno waa ay kala khatarsan yihiin, siyaabo aad u kala duwanna ku timaadda.

Marka ugu horreysaba waa in aynu is weydiinno; Da’da qofka ka cabanaya in marka uu hawlqabto uu dareemay cidhiidhi neefsiga ah, nooca hawsha uu qabanayo, ama duruufta jawiga iyo cimiladu ay yihiin marka uu xaaladdan isku arkayo, tusaale ahaan, qabow badani ma jiraa? Heer kul-ku aad ma’ u sarreeyaa? Iwm. Arrinta muhiimka ahina waa in aynu ogaanno in si kasta oo ay xaaladdani ku timaaddaba ay tahay uun calaamad muujinaysa mushkilad caafimaad:

Goorma ayaa cidhiidhiga neefsigu uu calaamad u noqdaa mushkilad caafimaad:

Haddii cidhiidhiga neefsiga uu qofku muddo dheer si joogto ah u dareemo, waxa ay u dhowdahay in ay tahay xaalad caafimaadk, haddii uu yahay xaalad mar uun soo boodday oo aad u daran, muddo gaabanba ha socoto ee, markaasna waxa ay astaan u tahay xaalad caafimaad.

Xaaladahan hoose waxa ay muujinayaan in dhibaato caafimaad ay jirto:

– Qofka oo neefta qawada xilli uu raaxo iyo nasasho ku jiro.

– Neefta oo la qawado xilliga uu qofku hawl culus ama jimicsi ku jiro.

– Qofka oo cidhiidh neefsiga ah dareema marka uu jiifsado.

– Neefta oo qofka cidhiidhi ku noqota marka ay xasaasiyadi ku kacdo.

Calaamadaha lagu garto in qofku uu qawadayo neefsiga:

– Laabta oo qofka xanuunta ama uu ka dareemo diiqad iyo in aanay nafis ahayn.

– Labada dhudhun ee gacmaha midkood oo uu xanuun ama xaalad diiqad ah ka dareemo, waxaa la mid ah daanka ama qoorta oo qofka xanuuna.

– Kuraanta ama labada cagood inta hoose ee dhulka la dhigo oo barara.

– Miisaanka oo si aan ku talogal ahayn aad u bata ama aad hoos ugu dhaca, iyo qofka oo doonista (Amateedka) cuntadu ka lumo.

– Xaago ay midabkeedi huruudi ku jirto ama akhtar ah, ama mararka qaarkood dhiig la socdo.

– Xummad.

– Cod foodhi u eeg oo qofka laabtiisa laga dareemo marka uu neefsanayo.

– Qufac joogto ah, oo dabada isku haya.

– Labada debnood ama faraha hore oo midabkooda laga dareemo buluug in uu ku jiro.

– Dawakhaad ama miyir-doorsoon lagu arko qofka. Iwm.

Sababaha keeni neefsiga oo cidhiidhi noqdo:

Baadhitaanno kadib waxa ay khubarada caafimaadku hoosta ka xariiqeen xaalado caafimaad darro oo qofka ku keeni karo in neefsigu uu cidhiidhi ku noqdo.

1. Caabuqa Sambabbada: Caabuqyada ku dhaca sambabka, iyo sidoo kale sdhuumaha neeftu mart, haddii aan si dhaqso ah qofka looga daweyn, waxa uu khatar ku noqdaa habsami u socodka neefsiga, waxaa iyaguna la mid ah, xanuunnada Qaaxada, (TB), caabuqa ku dhaca marinnada neefta oo ah xaaladda loo yaqaanno COPD.

Baqanka iyo xabka ku urura laabta ayaa isaguna keena in neefsigu uu qofka dhib ku noqdo.

– Xumadda badani waa ay keentaa.

Barar ama balaq ku yimaadda sambabka, xaaladdani waxa ay inta badan keentaa in sambabku iska joojiyo neefsiga dib-u-qaadashada ah, taas oo sababta in neeftii ku jirtay gudaha sambabku ay soo noqon kari weydo oo halkaas ku raagto wqti ka badan intii saxda ahayd in ay ku soo dhaafto sambabka.

– Haddii uu qofka neefsigu cidhiidhiga ku noqday sidoo kalana lagu arko, amateedkii cuntada oo ku yaraaday, iyo miisaankiisa oo si xawli ah hoos ugu dhacaya, inta badan xaaladdani waxa ay u dhawdahay in qofku uu qabo cudurka Kansarka ee sambabada ku dhaco, gaar ahaan haddii qofkani uu muddo dheer sigaarka cabayey. Waxa ay muujinaysaa in ay buro / Burooyin ku yaallaan sambabka.

– Dadka muddada dheer sigaarka nuuga ayaa iyaguna isku arka in neefsiga ay qawadaan.

Wareegga dhiigga ee sambabka oo joogsada:  Waxaa mararka qaarkood dhacda guntan ku yimaadda wareegga dhiigga ee sambabada, taas oo bilowga hore keenta cidhiidhi dhinaca neefsiga ah. marka ay xaaladdani qofka hesho waxaa inta badan lagu gartaa neefsiga oo si soo booddo ah qofka ugu cidhiidhi noqda, iyo laabta oo qofka xanuunta.

Sidoo kale haddii muruqa sambabka ee sababa in sambabku uu si fiican u kala baxo marka uu hawada qaadanayo iskuna soo ururo marka uu iska soo tuurayo, waxaa dhacda in neeftu ay qofka cidhiidhi ku noqoto, xaaladdan waxaa keena qalniinka laabta oo marar dhaawac gaadhsiiya sambabkaas. Buurnimada, qallooca ku yimaadda laf-dhabarta iwm.

Wadne Xanuunka: Cidhiidhiga neefsiga waxaa lagu arkaa, dadka wadnahooda hawshiisa saxda ah gabo, waayo waxaa hoos u dhacaysa awooddii uu wadnuhu u lahaa in uu ku tuuro dhiigga loo baahan yahay in uu sambabada gaadho. Xaaladdan oo kale waxaa si gaar ah qofka loogu arkaa marka uu jiifsado, waana calaamad ka mid ah calaamadaha uu ku garan karo in wadnihiisu hawshii uu qabanayey gabay, in kasta oo ay xaalad bilow ah tahay.

Qofka xaaladdiisu sidan tahay waxaa u fiican in habeenkii barkimo dheer loo barkiyo, sidoo kale calaamadaha xaaladdan oo kale lagu garto waxaa ka mid ah hurdada oo qofka habeenkii ka xumaata, sababtuna inta badan ay tahay neefsiga uu qawadayo. Qufac habeenkii qofku isku arko, marka uu qofku shaqeeyo oo neeftu cidhiidhi ku noqoto, labada dhudhun ee lugaha ama labada kuraamod oo barara, dareeraha oo jidhka ka soo bixi waaya, dhiigga oo qofka ku yaraada, unugyada dhiigga cas ee qofka oo yaraada taas oo neefsiga cidhiidhi ka dhigta, (Maadaama oo unugyada dhiigga casi ay qaadaan Oxygen, marka ay yaraadaan waxaa dhacaysa in neeftii cidhiidhi noqoto), Waxaa kor u kaca hormoonnada ay soo daayaan qanjahu, waxaana ka dhasha in jidhku uu u baahdo neefta Oxygen in ka badan baahida dabiiciga ah, waxaana imanaya in qofku si uu neeftaa dheeraadka ah ugu helo jidhka uu si dhaqso-dhaqso ah u neefsado.

– Mushkiladaha caafimaad ee kelyaha iyo beerka ee ka dhasha dareeraha oo ku bata labada sambab iyo jidhku, waxa ay keentaa in labada sambab ay si fiican isugu beddelan kari waayaan neefta, waxaana ka dhalanaya in neefsigu uu cidhiidhi qofka ku noqdo.

Dhibaato dhinaca neerfayaasha ah:Cadaadiska maskaxda oo kordha ayaa ka mid ah xaaladaha qofka ku keena in uu neefta qawado waxaa kale oo iyaguna ka mid ah, burooyin kansar ah oo maskaxda ku abuurma, dhiigga oo maskaxda ka xidhma, ama dhiig furan ku dhaca xididdada maskaxda oo si gaar ah u saameeya qaybta maskaxda u qaabilsan nidaaminta neefsiga.

Inta badan waxaa jira calaamado astaan u ah in neefsigu uu qofka cidhiidhi ku yahay, kuwaas oo sameeyaa neerfayaasha kale, la dareemana inta aan neefta la qawadinba ka hor. Warwar ayaa isna mararka qaarkood la socda qawadka neefsiga, waxa kale oo qofka lagu arkaa xawaaraha neefqaadashada iyo celinta ee uu samaynayo oo aad u kordha, neef tuurka waxa aynu u naqaanno.

Baadhitaanka cidhiidhiga neefsiga:

Dhakhtarku waxa uu qawadka neefta ku garan karaa isaga oo marka uu calaamadaha kor ku xusan ku arko ama qofku ka cawdo ku sameeya shaybaadh dhamaystiran, tusaale ahaan waa in uu u diro sawirka X-Ray-ga oo laabta ah, haddii uu dareemo calaamado wadne xanuun iyadana waa in uu shaybaadh ku sameeyo wadnaha, gaar ahaan wareegga dhiigga iyo sida uu wadnaha ku soo gaadhayayaa in ay dabiici tahay iyo in kale, waa in uu qiyaaso xawaaraha neef qaadashada iyo soo celinta neefta ee sambabada iyo shaybaadho la mid ah.

Talooyin dheeraad ah oo lagula tacaali karo cidhiidhiga neefsiga:

– Jooji sigaar nuugista: Sigaar cabbista oo la joojiyaa waxa ay yaraysaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka kansarku.

– Iska jir wax yaabaha xasaasiyadda kiciya, boodhka iyo in ay neefta kuu raacaan maaddooyin suni ku jirto. Haddii sababta cidhiidhiga neefsiga keenaysaa ay tahay xiiq, nafis badan ayaa aad dareemi doontaa, haddii aad ka dheeraato arrimahan iyo wax kasta oo xasaasiyad kicin doona.

– Iska jir miisaanka badan kuna dadaal in aad si joogto ah jimicsi u samayso. Marka laga hadlayo miisaanka iyo jimicsiga waxaa muhiim ah in aad ka taxaddarto khatarta ka dhalan karta nidaamka aad u marayso miisaan dhimista, inta aanad bilaabin dadaalkaaga miisaan dhimista iyo jimicsiga waxaa muhiim ah in aad dhakhtar kala tashato habka ugu fiican ee ay tahay in aad marto iyada oo loo eegayo xaaladdaada kale ee caafimaad.

– Haddii aad wadne xanuun leedahay waxaa muhiim ah in aad si joogto ah u isticmaasho dawada laguu qoray, in aad ka dheeraato milixda, iyo in aad maalin kasta is miisaanto si aad ula socoto heerka dareeraha jidhkaaga gudihiisa ku jiraa in uu kordho iyo in kale.

Check Also

qawadka

Sababaha Keena Qawadka Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Qawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *