Cuntooyinka Kordhiya Foojignaanta iyo Xusuusta Maskaxda

Cuntada uu qofku qaato ayaa si toos ah saamayn ugu leh hawlqabadka maskaxda. Sidaas awgeed waxaad awood u leedahay doorashada cuntada saxda ee korin karta awoodda maskaxadaada, taasi oo si weyn u caawinaysa xusuusta maskaxda iyo hawlqabadkeeda.

Cunto dheelitiran ayaa ah tan lagula taliyo dadka, waxaase jira cuntooyin si gaar ah waxtar ugu leh  shaqada maskaxada kuwaasi  oo loo yaqaano cuntada maskaxada. Cuntooyinkaan waa kuwo ay ka buuxaan antioxidants, duffannada fiican, fiitamiinno iyo macdano ilaaliya caafimaadka maskaxda.

Avocado: Avocado-du waxay ka mid tahay cunnooyinka la isku waafaqay inay yihiin “Super-food” waxaa ku jira  vitamin K iyo folate oo ka hortagga cudurka faaliga/stroke sidoo kalana caawiya kobcinta xusuusta iyo foojignaanta.

Baytaraafka: Baytaraafku wuxuu ka hortaggaa xanuunada maskaxda, wuxuu kordhiya wareegga dhiigga ee maskaxda taasoo caawinaysaa waxqabadka maskaxda.

Kaluunka salmon: Kaluunka salmon wuxuu ka mid yahay cuntooyinka ugu muhiimsan dhinaca maskaxda waxaa ku badan dufanka Omega 3 oo caawiya kobcinta xusuusta sidoo kale kaluunkan hadii caruurta la siiyo waxa uu ka caawiyaa foojignaanta. Akhriso: Faaidooyinka kaluunka salmon

Qorfaha: Qorfaha wuxuu kordhiyaa foojignaanta iyo xasuusta, tanoo lagu arkay cilmibaaris lagu sameeyay dad ku nool dalka jarmalka, shaaha ku darso qorfe markaa wax akhrinaysid ama xifdinaysid wuu ku caawin doonaa alle idinkii, wuxuu kaloo wax ka taraa xanuunka xasuusta lumiyo ee loo yaqaano “Alzhieimer’s” tanoo lagu ogaaday illaa 3 cilmibaaris oo lagu sameeyay wadamo kala duwan.

Shukulaatada Madow: Rumayso ama ha rumaysan,  waxa cad in shukulaatadu laga sameeyay miraha digirtu ay wax badan u ka qayb qaadato hawsha maskaxda. cilmi-baaris ayaa lagu ogaaday in shukulaatada, gaar ahaan , tan a ku badan tahay maadada  “Alflavanol”  ay wanaajiso  socodka dhiigga ee goobaha muhiimka ah ee maskaxda.  Waxaana fiican in la qaato  laba saacadood ama saddex ka dib cunista , sidaa darteed waxaa lagu talinayay in la cuno shukaalatada madow.

Koostada: Daraasad dhowaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in koostada ay kobciso xasuusta, shaqada maskaxda iyo foojignaanta.

Saliida Qumbaha: Waxay faaidooyin badan u leedahay maskaxda waxay ka hortagaa cudurka faaliga, waxay caawin kartaa dadka xusuustooda ay hoos u dhacday.

Kafeega: Waxaa ku jirto maadada loo yaqaano Caffeine oo ku kordhiso awoodda maskaxda waxaana laga helaa fir-fircooni dheeraad leh, waxay jirka ka dhigtaa jir firfircoon, waxayna arrintaas kaa saacideysaa inaad noqoto shaqsi u diyaar ah inuu qabto shaqada ama waxbarashada. Halkii koob oo kafee ah wuxuu kaa caawinayaa inaad isticmaasho awood dhammaystiran ee maskaxdaada.

Ukunta: Ukunta waxa ay qofka ka dhigtaa mid xasuustiisu aad u fiican tahay, waayo waxay nafaqo badan siiyaa maskaxda, taasoo qofka ka caawisa in maskaxdiisu kaydiso macluumaad badan, xasuus ahaanna noqoto mid aad u wanaagsan, waxaana ukunta digaaga laga helaa  oo ku badan maadada Omega-3 Fatty Acid, taasoo awoodda maskaxda kor u qaadda.

Cuntooyinka kale ee uroon maskaxda waxaa ka mid ah huruuda, brocoli-ga, miraha lowska ee loo yaqaan “walnut” iyo miraha blueberries.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *