7 Waxyaabood oo Maseyrka La xidhiidha

Maseyr, hinaasaha dumarkaWaa maxey maseyr ? Ma hubo aqoon balaadhana uma lihi macnaha ereyga maseyr hasa yeeshee waxaan si kooban isugu dayayaa in aan sharaxo maseyrku . Maseyr waa wax ku beeran qof kasta oo nool misana caqli leh , waa shey aan la tilmaami karin halka uu ruuxa kaga jiro, waa wax ku xidhan qofka sida uu wax u doonayo , jaceyl iyo necbaan labadaba wuu noqon karaa , shaqo, lacag, guri, horumar iyo kuwa kaloo badan hinaasaha wuu geli karaa . Hadaba waxaan kuu soo gudbinayaa todoba waxyaabood oo maseyrka la xidhiidha

1- Noqo Qof Macquul Ah ( Be Reasonable )

Ugu horeyn aan soo qaato qofka markasta hinaasa ( maseyra ) isku day in waxan aad ka hinaaseysaa uu yahay wax loo qaateen ah oo ku xidhan dhaqanka nuucaas ah. Laga yaabee in waxaan aad ka booday uu yahay wax aad iska sawiratay ee uu sheydaan kuu muunadeeyay.

Tixgeli in aad u baahan tahay waqti ah in aad si dhab ah u fahamto dhibaatada xagga ay kaa heysato.Waxaad u baahan tahay waqti qaar ka mid ah in la fahmo waxa ay dhibaatadu tahay. Waxaa laga yaabaa in ay kugu qaadato dhawr saacadood ilaa dhawr maalmood fadlan qor oo ururi dhamaan waxyaabaha naftaadu diiday , hadii kale ma xukumi kartid dareenkaaga.

2- Ninkaaga Aamin ( Trust Your Man )

Hadii aad qof dumar ah tahay oo aad Nin leedahay waxaa hubaal ah in hinaase uu kugu imanayo, waxaad noqoneysaa neerfis waxaa kugu badanaya xanaaqa ( cadhada ) waayo ma dooneysid in gabadh kale ay kula wadaagto ninkaada.waxaan odhan ku odhan lahaa waa dhab waa xaalad xun. Gabdhaha qaarkood waxay noqon karaan kuwo aad u firfircoon oo xataa erya raggooda.

In kastoo eey sababtaadu tahay maxuu dhinac kale u eegay ? hadana Isku day in aad diiradda saarto dhinaca wanaagsan ee dhibaatadaada. Su’aalahan naftaada weydii

1-Maxey gabadhan kale ninkaadu ku soo jiidatay ?

2- Ma waxaad tahay gabdh leh nin qurux oo soo jiidasho leh ?

3-Sideen ku ahay diinta ma ahay qof ku dabaqa nolosha oo dhan ?

4-Waa sidee hab dhaqanka guriga iyo dibadaba ?

Marka aad intaasi jawaabo sax ah u hesho Maskaxda ku hay in ay kaa caawin doonto boor iskajafid aad la timaaddo meelaha qaar oo aad ka caajistay waayo waxey dhisaan xidhiidh adag oo nabadgelyo waara lu eh gurigaada.Waa adag tahay in la xakameeyo nin waqtigaada oo dhan, sidaa darteed waa in aad is dejiso oo isaga ku kalsoon tahay. Hadiise sheekada tahay sadar muuqda su’aal ka dhan taasi meesha kuma jirto.

3- Aqoonso Kalsooni darada. ( Identify non confedence )

Kiisaska la xidhiidha Hinaasaha waa kuwa ka bilowda kalsooni darrada , hadaad ku fekeryso ninkaada naago kale ayuu la heystaa ha ahaadaan kuwa hore ay isku yaqaaneen ama saaxiibo hore ahaayeen , ama aad isku aragto qof laga qurux badan yahay waxaad dareemeysaa hinaaso kugu sababi kara in aad isku buuqdo ama maskaxda wax kaa gaadhaan. Markasta oo aad dareento wax shaki kaa geliya ruuxaad jeceshay in meelo kale uu u janjeedho waa inaad heshaa isku kalsoonaan naftaada ah midna ha iloobin in qadarta wax kastaa ka horeeyaan rabina ninkaada uu afar u baneeyay waa hadii jagooyin kaa banaan yihiin. Taladeydu waa noqo qof aan koontaroolka ka lumin walaaca faraha badana aad iska deyso si degan u feker rabina talo saaro.

4- illow wixii tagey. ( Forget the Past )

Marka xurguf dhex marto lamaane nolosha wadaagay ,waxaa haboon in aad loo qodqodin wixii tagay iyo wixii laga hishiiyay. waayo xanuun horay u bogsooday ayey soo kicisaa, bini’aadamku wuxuu leeyahay memory ( maskax wax keydisa ) mararka qaar waxyaabo xun ayaa ku keydsama ruuxana degdeg uma iloobo,hasa yeeshee waxaa haboon in texgelinteeda la eego casharna laga barto qaladaadka horay u dhacay ayna noqon wax soo noqnoqda sababtoo ah wixii lagu celceliyo ee xumaan ah raadkooda wuu sii muuqdaa ilaa mustaqbalka fog , tusaale hadii aad qiyaano horey u sameysay ama laguugu sameeyay dib ha u eegin yeelo hiigsi fog iyo marxalada aad markaasi ku jirto kuna dadaal sidii aad u maareyn laheyd.

5-Isla jooga waqti badan ( spend more time )
Waxaa jira waxyaabo badan oo labada isqabta aynaan u suura gelin waqti badan in ay ku bixiyaan sababtoo u ah xaaladaha qaarkood. Tusaale ahaan, in aad shaqayso saacado badan oo aad guriga timaaddo xili danbe amaba magaalo kale aad ka haysato shaqo u baahan waqti badan. Ahaanshahaasi darteedna aadan awoodin in midba midka kale inta badan si gaar ah u sheekystaan. Taasna marka dhalinyaro la yahay uma fiicna Sida caadiga ah ,shakiga hinaasahuna waa xiliyada uu soo shaac baxo sababta ugu weyn ee dhalisaana waa is faham daro. hadaba maxaad sameyn kartaa ? In kasta oo aad Mashquul ku tahay shaqada hadana waa lagaga maarmaan in mararka qaar aad samayso, isku day ah in aad waqti la qaadatid xaaskaaga/ninkaaga . Si aad u muujiso jacayl iyo farxad ogow taasi waxey wanaajin doonaa xidhiidhkiina.

6-Godka Baraha warbaahinta Bulshada ( Ditch social media )

Waxaa laga yaabaa codadka xoogga iyo layaabka leh ee loo adeegsado warbaahinta bulshada in ay noqoto isha ugu balaadhan ee Hinaasaha , warbaahinta qaar ayaa si aan ka fiirsasho laheyn u sameeya sheekooyin mala awaal ah kuwaa oo had iyo jeer ka shaki siiya dadka wada howlgalayaasha ee xidhiidhka ka dhaxeeya . Hadaba si looga fogaado dhibaatooyin fara badan iyo iskhilaaf soo kala dhex gala lamaanaha waxaa haboon in qiyaali loo fahmo sheekooyinka beenta ah ee habka jiliinka loo sameeyo ee warbaahinta qaar ka baxa, hadii dhinac kale laga eegana waxaa la yidhaahdaa jaceylka labada ruux qeyb ayey ka qaadataa laakiin aniga taasi ma hubo.

7- Xaqiijinta xaalada ( Clarify the Situation )

Xaalada walaaca ,Maskax cadaadiska ku dhaca ruuxa bini’aadamka ah iyo isfaham la’aanta ayaa qeyb ka ah in hinaaso uu yimaado , hadii xaaskaaga/ninkaaga aad jigraar kala kalunto waxaa lagaga maarmaan ah in la wada hadlo si loo xalilo dhibaatada iyadoo si cad oo qeexayo loona lafa gurayo arimaha taagan ee leysku mari la’yahay , muhiim ma’aha in labada ruux ee is qaba midkood uu werwer ku jiro .Haddii aad si joogto ah u aragto in si qaab daran uu u dhaqmayo ninkaada/xaaskaada ama aad aragto calaamado qish ah, waxaa lagama maarmaan ah inaad ka hadasho dhibaatada qofka aad nolosha la wadaagto .

Gebogebadii waxaan jeclaan lahaa in aan idhaahdo, masayr waa mid ka mid ah waxyaabaha burburiya Xidhiidhka , gaar ahaan qoyska ama kuwa dhabaha u xaadhaya u yagleelida qoys cusub.haddii aad dareento tani ogow waa la koontarooli karaa. Sidaas darteed, waa in aad barataa sida loo maareeyo caadifadda iyo dareenka . Xasuusnow in samir iyo dulqaad loo baahan yahay, maleyso in hortaa waxani jiri jireen . Ha noqon qof wax kasta ka shakiya hana isku dayin in aad koontaroosho seygaada ama xaaskaada .noqo qof kalsoonida leh , Aamin tallana saaro Allah kuna dadaaal samirka horaa loo yidhi QOF SABRAA SAD LEH .

Siciid xagaa Afrax

Journalist

Sxagaa@hotmail.com.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *