6 Su’aalood Oo Ay Tahay In Qofku Isweydiiyo Ka Hor Furiinka

Furiinku waa go,aan qaadasho adag oo ku timaada dareen xoogan oo la xakameyn waayay. taa oo sababta in guri dhisnaa uu dumo, waana fal dib u noqosho ku keena labada ruux ee is furay mana jirto guul uu keeno furiinka ilaa ay jirto sabab macquul ah oo la wada arki karo.

Sida ku cad magaca Furiin wuxuu micno ahaan yahay FUR oo ah wax markiisii hore xirnaa oo la furayo tusaale kasta oo aad eegtana waa wax kala daatay oon is heysan. waxaa xaqiiqo ah in labada ruux ee is qaba aysan mar kasta faraxsaneyn hab nololeedka ayaaba ku dhisan mar la faraxsan yahay iyo mar aan la faraxsaneyn.

Haddii aad xaas leedahay oo aad isku dhacdaan adiga iyo xaaskaaga fadlan waqti qaado oo aad kaga fekertid isna weydii maxaa kuu xiga haddii aad sidan sameyso? waxaan si adag u dhiirageinayaa in aad nafsadaada weydiiso su’aalahan, waa lix waxyaabood oo aad u baahan tahay in aad is weydiiso inta aadan furiinka ku dhaqaaqin.

Waxaan rumeysnahay qaddarta rabbi iyo in aan la celin karin qoraal alle horay u dhigay qasabna ay tahay in sidii ay aheyd u dhacdo, hase yeeshee mararka qaarkod ayey si aan ka fiirsasho laheyn ama wax laga wada hadli karo ragga qaarkood u furaan xaasaskooda.

1- Ma sameysay wax kasta oo awoodaada ah oo aad ku badbaadin karto qoyskaada?

Waxaa xaqiiqo ah in aadan xakameyn karin falalka qof aad is qabteen ama aad isku dhacdeen, laakiin ma sameysay wax kasta oo keeni kara rajo iyo caafimaad ? haddii jawaabtu tahay maya qoro liis waxyaabo aad sameyn karto misana aad ku dhaqanto sababtoo ah guurka mar kasta hishiis ma ahaaneysaa.

2-Iimaankaadu maka xoog badan yahay xanaaqaada ?

Dareenku waa yeelid baaq ay maskaxda soo gudbiso taasi oo ugu horeyn ku leh ISKA FUR , dadku waxey u baahan yihiin farxad ay noloshoodu ku qaataan , alle ayaa dejiyay qorshaha midowga qoyska wuxuuna ku dhex abuuray naxariis iyo kalgacaltooyo, hadaba waxaa waajib kugu ah in aad iimaankaada adkeyso rabina talo saarato. yeysan dhicin in cadhadaada ka xoog badato iimaankaada

3- Furiinku ma xalka ugu fiican ee jiri karaa ?

Waxaan rumeysnahay in qaar ka mid ah ay noqon karaan xaalado keeni kara burbur sida marka uu dhaco xadgudub jireed, khiyaarka aad leedahay ma inuu kuu hogaamiyaa xaaladaha qasan ? furiinku wuxuu abuuraa dhibaatooyin badan laakiin waa la xalin karaa. xaaladaha intooda badan lamaanaha mudada dheer is qabay oo aan ku iman kala tag waxey soo mareen xaalado badan oo keeni karay furiin laakiin ay xal ka gaareen. ogow xalal kale ayaa jira oo aan furiin aheyn.

4- Waa kuma qofka kuugu saameynta badan xiligan ?

Marka aad tahay Gobalka nugul ee burburiya guurka waxaad u baahan tahay shabakad ku taageerta taasi oo muhiim u ah mararka qaarkood in go’aamada lagula yeesho. waxaan ka wadaa qofka leh go’aanka furiinka waa in uu leeyahay ugu yaraan hal saaxiib oo daacad ay isu yihiin. saaxiibkaa wuxuu kaa caawin karaa mararka aad ku jirtid mugdiga una baahan tahay iftiin. haddaad tahay qof lacag leh waxaa saameyn kugu leh lacagta. talada ugu wanaagsan waxaad ka heli kartaa dadka aad jeceshahay kuwaa oo kula jecel wadajirka xaaskaada hadaba baro qofka saameynta weyn kugu leh adiga iyo xaaskaba.

5-Caruurteyda ma waxaan baraa sida furiinku yahay ?

Ma jirto xaalad ay sinaba ugu badbaadaan caruurta marka furiin yimaado waana qasab in si uun ugu lug yeeshaan sida cunadooda, hoygooda,amaankooda,caafimaadkooda iyo daryeelkooda guud. waa lagaga maarmaan in labada waalid marka ay is furaan ay ka wada xaajoodaan. haddii aad caruurtaada uga tagto qof aan dhalin waa hubaal in ilmahaasi si kasta oo loo koolkooliyo ay ku korayaan cuqdad labada waalid midkood ay u hayaan haddiiba labadooda aysan u qaadin. hadaba ma jeceshahay in caruurtaada aad ku barbaariso furiin ? jawaabta waa maya haddaba ka fiirso waa talee.

6- Weligey ma doob ayaan ahaadaa nolosheyda oo dhan ?

Haddii jawaabtaadu tahay ” MAYA ” xaaladaha aan dhiiragelinta laheyn ee ku yimaada furiinka waa badan tahay mana ah kuwa caafimaad qaba. haddii aad marka caqabad timaado aad u aragto furiinka fursad adigoo niyadda iska leh waxaad heleysaa qof aad ku faraxsan tahay ogow gabadh kastaa waxey leedahay iinteeda.
Waxaa lagaaga baahan yahay sida marka miis ama kursi uu kaa jabo aad u kabtid in aad hagaajisid meelaha qoyska uga baahan yahay toos toosin, haddii meel qurxoon oo caws cagaaran leh aad aragto uma baahnid in aad u guurto ka feker sidee midka agtaada yaal sidaasi oo kale u noqon karaa weliba mid aad adiga leedahay waxaa kaa xiga adigoo guriga jooga biyana ku waraabiya haddii kale doob ayaad ahaaneysaa.

W/Q SICIID XAGAA AFRAX
Sxagaa@hotmail.com

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *