Akhri Khubarada Caafimaadku Maxay Ku Sheegeen Kalluunka Qasacadaysan

kalluunka qasacadaysan, kaluunka,

Kalluunka qasacadaysan ee Tuna Fish ayaa la ogaaday in macdanta Zinc ee ku jirta ay aad uga badan tahay intii caafimaad ahaan jirku qaadi karayay.

Cilmi baaris natiijadeeda lagu faafiyay wargeyska The Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in macdanta Zinc oo qasacadda kalluunka hoosta laga mariyo si ay uga ilaaliso jeermista ay la falgasho cuntada kadibna dhaawac gaarsiin karta hab-dhiska dheefshiidka isla markaana jirka ka nuugta nafaqada.

Zinc waxa uu si caadi ah ugu jiraa jirka aadamaha, wuxuuna u fiican yahay maqaarka, timaha, ciddiyaha, ilkaha iyo hab-dhiska difaaca jirka, cuntooyinka laga helana waxaa ka mid ah kalluunka, caanaha iyo hilibka. Macdantaan oo jirka ku yaraataa waxa ay keentaa nafaqo darro laakiin inay ku badato ayaa iyaduna khatar caafimaad keeni karta.

Dhakhaatiirta nafaqada ayaa sheegay in kalluunka nooca tuna laga helo borotiin aan dux lahayn laakiin waxa ay ka digayaan in la badsado tuna-da  qasacadaysan. Waxay dhakhaatiirtu sheegeen in kalluunka qasacadaysan ay ku jirto maadada “Pyrophosphate” oo haddii ay jirka ku badato sababta in jirku u baahdo calcium ka badan intii caadiga ahayd taas oo keenta marka calcium-tii dabiiciga ahayd jirka ka dhamaato in jirku calcium dib ugala soo baxo lafaha haddii muddo ay sidaas sii ahaatana waxa ay keenaysaa xaalad caafimaad darro oo dhinaca lafaha ah.

Pyrophosphate oo ah maado kiimiko haddii ay jirka ku badato waxay kaloo dhaawac ku keentaa hab dhiska difaaca jirka.

Kalluunta Tuna oo ah kalluun qare wayn waxuu ugaarsadaa kalluunnada yar yar ee kale taas oo sababta in jirkiisa ay ku badato maadada “mercury” taas oo keenta khatarro caafimaad. Inkastoo cunista kalluunka tuna ay u fiicanatahay caafimaadka haddana haddii la isku badiyo waxay keeni karto sumow curiyaha “mercury” ka dhasha taas oo sababta in qofku dareemo xaalad u eg sidii in irbad lagu mudayo oo kale iyo isu dheelitirnaanta jirka oo lunta. 

Inkastoo cunista kalluunku faa’idooyin badan leeyahay laakiin hooyooyinka uurka leh lagulama taliyo inay kalluun badan cunaan iyadoo laga cabsanayo in maadada sunta ah ee loo yaqaano Mercury oo kalluunka qaar laga heli karo sida tuna ay dhibaato u geysan karaan uurjiifka. 

Hay’adda dawada iyo cuntada ee dowladda Mareykanka (FDA) ayaa sannadkii 2014 haweenka uurka leh, hooyinka ilmaha naaska nuujiya iyo kuwa doonaya inay uur qaadaan uga digtay cunista kalluunka tuna ee qasacadaysan iyadoo hay’addu ay sheegtay inuu ku badan yahay curiyahaan mercury kaas oo dhaawac u gaysan kara koritaanka iyo shaqada hab-dhiska dareen wadayaasha ee ilmaha uurka ku jira iyo caruurta yar yar.

Warbixin ay faafisay shabakadda wararka Canada e CBC oo ay kaga warrantay cuntooyinka caafimaadka waxyeellayn kara ayaa waxaa ka mid ahaa kalluunka qasacadaysan, warbixintu waxa ay sheegtay in maadada “Scombrotoxin” oo kalluunka tuna ku dhalata marka la kaydinayo ay sababto xaalado ay ka mid yihiin xididada dhiigga ee maqaarka dhex mara gaar ahaan wajiga oo balqa kadibna qofka lagu arko dhiig roor wajiga ah, waxay kaloo keentaa madax xanuun iyo murqaha qofka oo guntama ama isku soo roora.

Marka laga tago dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha maadooyinka aynu soo xusnay in kalluunka tuna ay ku badan yihiin, waxaa kale oo jira cabsi laga qabo maadooyin sun ah oo kalluunka la fal gala mudada la keydinayo ama uu ku jiro warshadaynta, waxaa ka mid ah maadooyinka la mariyo si looga ilaaliyo inuu qurmo, maadooyinka ku jira maraqa lagu qooyo kalluunka iyo midda ugu daran ee ah maadooyunka birta ah ee la falgali kara xilliga la qasacadaynayo iyo qasacadaynta kadibba.

VIA: MarjaanTube

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *