YIDI-DIILADU Waa Naf Kale!. (Qiso)

Inanyar ayaa u timi walaashedii kayarayd oo xanuunsanaysa islamarkaana dul saaran sariirta cusbitaal lagu dawaynayay , gabadhii yarayd ee xanuunsanaysay ayaa walashed waydisay :

” Walal; geedka daaqadda inooga muuqda, imisa caleemood ayaa korkisa saaran ? ” , walashed oo layaaban su’aasha ay waydiisay ayaa waxay ku tidhi: ” walal maxad uga jeeddaa ?

“, waxay ugu jawabtay : walal caleenta u danbaysaa malinta ay geedka kaso dhacdo ee uu geedku wada qallalo ayaan dunida katagayaa ! .

Walshed way faraxday ( Anigu waan nixi lahaaba ) waxayna tidhi :

” Walal hadaa waqti badan oo aan sii wada noolaano oo sii wada joogno ayaa inoo hadhsan”

Gabadhii yarayd ee xanuunsanaysay waxay maalin walba eegi jirtay caleemaha geedka saaran iyo isbadalka ku dhaca waakasta oo berya.

Waxa yimi xiligii dayrta, waxa yimi xiligii xagaaga, isbadalad xilliyada ayaamaha ayaa iska daba yimi, waxa tagey sanado badan ilaa ay geedka korkiisa ku soo hadhay HAL-CALEEN.
Gabadha yari waxay ku noolayd oo yididiilo u ahayd naftedana ay ugu sheekayn jirtay
intay caleentaasi geedka saarantahay waad nooshahay. Intii ay halkaa caleen gedka saarrayd ayaa caafimadkii iyo farxaddiiba uso noqdeen gabadhi yarayd way roonatay waxana isla markii ay sariirta kasoo kacdayba ay u
dhaqaaqday inay soo eegto caleentan mucjizada ah ee geedka kusoo hadhay, balse waxay si lama filaan ah u aragtay in ay cleentu tahay mid samays ah oo caag ah oo walaasheed ay ka taagtay geedka dushiisa.

Turjumaddii : Qoraa Khaalid Cabdurazaq Caskar

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *