Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan & hadiyado loo keenay. Laba usbuuc ka dib ayay heleen casumaad laba ticket oo ah goob madadaalo oo qaali ah. Waxaa baqshada la socday warqad yar oo ay ku qoran tahay hal jumlad, “Bal garta qofka idiin soo diray.”

Lamaanihi ayay ku riday arrintan xiiso gaar ah iyagoo ka helay goobta lagu casumay & inay ogaadaan cida soo dirtay, waxay aamineen cida soo dirtay inuu yahay qof ku weyn balse rabta inay ka yaabiso. Waxay ahaayeen dadka aaminsan wax la yiraahdo “Surprise” oo ah in qofka logo dhigo filan waa ama la yaab marki Hadiyad ama casumaad la isu sameynayo.

Waxay aadeen goobti lagu casumay, waqti fiicana ku soo qaateen. Markay guriga ku soo noqdeen habeenimadi ayay ugu yimaadeen gurigi oo la jabsaday lagana qaatay wax kasta oo qiima lahaa, iyo warqad dhex taal oo ku qoran far la mid ah tii tigidka ku qorneyd: “Hadaa garateen cida Tigidka idiin soo diray!”

Wuxuu ahaa Tuug casri ah oo farsama sare adeegsaday si uu guriga uga soo saaro ka dibna u daba maro!!

Ha u qaadan wax kasta deeq. Wax bilaash ah ma jiraan nolosha.

Hadaad u heysato in dadka qaarkii hadiyad qaali ah bilaash ku bixiyaan, mar labaad ka fakir.
Ka taxadar kuwa aadan garaneyn ee kuugu yeera inay ku madadaaliyaan. Qaar baa farxad gaaban & qosol ay ku siiyaan kugu noqon kara fashil & qoomamo dheer.

Ogow, wax kuu ah Riyo macaan ayaa kugu noqon kara qarow Qaraar.

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *