Yaa Niyad Wanaagsan Oo Farxad Badan Hooyada Shaqaysa Iyo Ta Guri Joogta Ah? (DARAASAD)

Muslim womenDaraasad cusub oo ay sameeyeen koox cilmi baarayaal ah oo u dhashay dalkan Britain ayaa lagu ogaaday in dumarka Caruurta haysta ee shaqeeyaa ay ka wanaagsan yihiin niyad ahaan iyo jidh ahaanba,kuwa iyagoo kale ah ee aan shaqayn ee guri joogta ah.

Daraasadan dhawaan la sameeyey ayaa lagu sheegay in dumarka shaqeeya hadana ay caruurtu u joogto ay aad uga niyad wanaagsan yihiin kuwa shaqadoodu ay tahay guri joogida iyo haynta ilmaha kaliya ah.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dumarka farxadoodu ay siyaado markay arkaan Caruurtooda oo Iskuul u kalahaya,iyo iyadii oo shaqaynaysa,halka raga ay isugu midka tahay hadii uu shaqeeyo hadii kale iyo waliba hadii ilmihiisu iskuul gaalaan iyo hadii ay iska joogaan intaba.

Daraasadan aya muujisay in qofka dumarka ahi uu aaminsanyahay in aaney nololi ka maqnayn kol hadii uu haysto xoolo iyo awlaad,badankooduna ay jecelyihiin inay caruurtooda korsadaan isla markaana ay helaan xoolo ku filan,iyagoon shaqa tagin.

Daraasada ayaa ugu danbeyn cadeeysay in dumarka reer Britain ay aad uga jecelyihiin inay caruurtooda la qaataan waqti badan,intii ay shqo waqti dheer ah shaqayn lahaayeen.

Check Also

Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *