Yaa naafo ah?!

yaa naafo ahAbuurka Alle waa abuur oo waa isku mid cay iyo ceebayna cidda ula tagtaa iyada iyo Allaheed ayaa is leh. Aadanaha kala duwan ee Rabbi uumay qaar ba si buu Alle laxaadkooda ka dhigay. Qaar baa indho la’, qaar baa dhego la’, qaar baa lugo la’, qaar baa gacmo la’, qaar baa carrab la’, qaar kalena Alle intaaba waa u dhammaystiray. Aadanaha daciifnimadiisa ayay ka mid tahaye ruuxa laxaadkiisa la’ soomaalida kama amaan helo, hadalo niyadjebin ahna waa kala daalaan. ‘Waa curyaan’, ‘Waa indhoole’, ‘Waa gacmoole’, ‘Waa naafo’; dhammaan ereyadani waa kuwo lagu yidhaa dadka laxaadkoodu kala dhiman yahay.

Nick Vujicic waa qoraa dhiirrigeliye ah sitana dhalashada waddanka Australia. Nick gacmo iyo lugo la’aan ayuu ku dhashay. Haddana, nolosha marna kamuu quusan inuu kaalintiisa qofeed, qoyseed iyo qaraneed ba uu buuxiyo. Hal’haysyadiisa murti-dhaxaleedka noqday ee laga hayana waxa ka mid ah: “Ma rumaysni in aan ahay naafo. Haa, ma lihi lugo iyo gacmo balse maaha wax wayn, waayo muhiimaddu maaha sida aan u eekahay. Muhiimku se waa qofka aan ahay iyo waxa aan qabto.”

Yaa naafo ah?! Oo ahayd weydiin ay mar I weydiisay hal-abuur Xaawa Jaamac Cabdi oo ah inan indhaha adduun-aragga (Muuqa) aan waxba ka arag se qalbi-araggeedu (Maanku) aad u fogyahay una foyow ayaan ugu halceliyay hadal odhanayay: Xaawaay naafanimadu maaha inaad gacmo la’dahay, inaad lugo la’dahay, inaad indho la’dahay. Se waa adoo intaaba Rabbi kuugu deeqay haddana, aan garanayn ka faa’ideysigooda iyo wixii lagaaga soocay dadka kale ee aan lahayn laxaadkan laguu dhammaystiray. Naafanimada dhabta ahi waa ta qofka kaga dhacda ee ka haleesha garashada iyo garaadka.

Dhiganaha ‘Garashada wax laguu gartay’ oo uu qoray hal-abuur Cabdicasiis Mahdi Aw-Axmed ‘Guudcadde’ oo
jaallinimada ka sokow kolay dhan bare-nololeed iiga ah. Waa dhigane kolkii uu I soo gaadhay ee aan dhugtay isla markaana aan dhuuxay xadhko badan oo igu xidhxidhnaa runtii iga furfuray. Waa dhigane kasmo-nafeed ah oo ruuxda  qofka akhrisataa ka helayso casharro weydiimood ay ugu tun weynyihiin inuu warcelin u helo: Qof maad ahay? Halkeed taagan tahay qof ahaan? Halkeed u socotaa qof ahaan? Kalsooni intee leeg ayaad naftaada ku qabtaa?
Xushmad-nafeed naftaadu ma kaa heshaa? Waa dhigane aan odhan karo dhallin badan way u baahan tahay akhrintiisa kuna dhiirrigelinayo ka Ibraahin ahaan.

‘Hadal sii dheh baa dilay’ baa la odhan jirey e waxa aan ujeedkayga
hadal-qoraaleed ku soo dabrayaa ereyadan oo aan filayo inay ku jiraan
maansada ‘Aqoonsi’ ee abwaan Xasan Daahir Ismaaciil ‘Weedhsame’

Is aqoonso waa talo
Sirta uunku waa adi
Abuurtaadu waa madi
Maskaxdaada awrani
Ubbo weeyi qaad wayn
Haddii aanad agabarin
Waa abeeso kula taal.

W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *