XUSUUSIN YAR

Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu soo xaadiray ( yimid) aaska saaxiibkii, kadibna isagii oo kor taagan qabrigii saaxiibkii ayaa waxaa su’aal waydiiyay nin oday ahaa oo ay isgaranayeen ( isyaqaaneen) , su’aashuna waxa ay ahayd

– Hadii saaxiibkaa uu Alle ( swt) dib u soo nooleeyo maxay kula tahay in uu samayn lahaa ?

Kadibna ninkii dhalainyarada ahaa waxa uu ugu jawaabay :

” Waxa ay ila’ tahay waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleeyo salaadihii uu katagi jiray, Waxa uu isku dayi lahaa in uu dib u barto quraanki labaray ee uu dayacay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleey wixii soon ahaa ee lagu lahaa oo cudurdaar la’aanta uga tagay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu hagaajiyo xidhiidhka (xariirka) ka dhaxeeya isaga iyo rabbigii ”

Intaa kadib Ninkii odayga ahaa waxa uu ku yiri ninkii dhalinyarada ahaa :

” Waxa ay ila tahay wanaaga aad soo sheegtay dhammaan adiga ayaa fursad u haysta in aad samayso waayo saaxiibkaa marnaba ma soo laabanayo si’ uu u hagaajiyo wixii uu ka tagay balse maanta adigaa haysta fursad aad ku samaysan karto gunaanad wanaagsan ee hadaba isku day in aad adigu hagaajisato xidhiidhka adiga iyo rabbigaa idin ka dhaxeeya ee ah in aad samayso wixii uu ku faray ”

Dhammaad:

Run’ ahaantii Waxaa habboon qofku inuu is waydiiyo !!

Hadii ay maanta noqoto maalinta ugu dambaysay ee aad katagi lahayd gurigaaga kumeel gaarka ah ( Adduun ) oo aad u guuri lahayd gurigaaga dhabta ah ( Qabri) Maxaad u sii diyaarsatay ???

Waxaan isleeyahay waa su’aal wax ka baddeli karta qofka iyo sida uu noolasha u arko !!

Ugu dambayntii waxaan Allah (s.w.t) kamagan galaynaa in aysan geeridu noogu iman si’ lama filaan ah iyadoo aysan hagaagsanayn xidhiidhka annaga iyo Allah (s.w.t) inaga dhaxeeya . Aamiin

Dhalinta-Maanta

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *