Xusuusin Xuska Alle

XUSKA ALLEIminka aad neefsaneyso adoo nabad qaba, qof kale ayaa qaatay tiisi u dambeysay oo Dunidan ka tagay!

Hadaa gaari raacdo, Suunka xiro. Hadii xanuun ku qabto, Dhakhtar u tag, Daawadana qaado laakiin had iyo jeer waxaad ogaataa in Alle uu yahay Badbaadiye iyo Bogsiiye, annaguna aan dedaal keliya la nimi.

Hadaad u heysato in Alarm clock hurdada kaa toosisay, waxaad ag dhigtaa qof meyd ah bal in ay kiciso! Kolkaa ayaad ogaaneysaa in Naxariista Alle hurdada kaa kicisay

Markaad hurdada ka toostay ka dib, Alle SWT wuxuu maalintaa ku siiyay 86,400 ilbiriqsi, nasiib darro in badan uma isticmaalin hal ilbiriqsi keliya inay Alle ugu Xamdi-naqaan!

Jooji cabashada, ha tirsan dhibaatada yar ee ku soo wajahda Nolosha, Xus oo xusuuso Nimcooyinka faraha badan ee Alle ku siiyay.
Fadlan ku Shugri Alle, Dheh: Alxamdulilaah

Check Also

Habeenka Laylatul Qadriga Iyo Ducada La Akhristo

Asalamu alaeykum yaa muslimiin! Marka hore Ramadan Wacan. Wabacdi, sidaa la wada soconaba waxaaa ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *