XUSUUSIN! Alle ma ku Shukriday?

alle, Allah, mahadnaq1. Alle wuxuu ku siiyay 86,400 Ilbiriqsi maanta. Ma u isticmaashay mid ka mid ah inaad ku Shukrido.

2. Waxaan la murugoonaa haddii Ducadeena aan deg-deg u helin. Ka waran haddii Allah dambi kasta aan sameyno maalin kasta deg-deg noogu ciqaabi lahaa?

3. Waxaan ka cabanaa dhib yar oo na soo gaarta, taasoo aan gacmaheena ku shaqeysanay, waxaan hilmaanaa in dhib intaa ka weyn nagu dhici lahaa balse naxariista Alle darteed nalooga baajiyay.

4. Iminka oo aad neefsatay adigoo caafimaad qaba, qof ayaa qaatay neeftiisi u dambeysay oo dunida ka tagay

5. Haddii aad saaka hurdada ka toostay adigoo nabad qaba, hadaa u heysato in Alarm clock ku kicisay bal ag dhig meyd in ay kiciso! kolkaa ayaad ogaaneysaa in naxariista Alle aad ku toostay

6. Haddii aad aqrin karto qoraalkan, waxaad ka nasiib badan tahay malaayiinka aan Indha lahayn, kuwa aan wax aqriska aqoon & kuwa aan iftiin koronto heysan oo mugdiga ku nool.

Lama soo koobi karo Nimcooyinka Allah.
Si kastoo xaalku yahay, had & Jeer, u mahad-naq Alle.
Ma nihin umad maalin keliya Mahadcelisa, waxaan nahay dad xilli kasta ku Xamdi-naqa Rabigood.

Dheh: Alxamdulilaah

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *