Xoog Kaliya Wax Ma Taro W/Q Siciid Xagaa Afrax

Nin shaqadiisu ay aheyd geedo goyn, ayaa maqlay in la baadigoobayo qof shaqadaasi aad u yaqaana oo geedo badan jari kara. wuxuu soo aaday goobtii laga doonayay shaqada, wuxuu la kulmay ninkii doonayay. waxaa laweydiiyay hal su’aal kaliya oo aheyd waxana leeyahay beer ay ku yaaliin 45 geed oo waaweyn haddii aan ku siiyo Faas cusub imisa maalmood ayaad ku jari kartaa? ninkii wuxuu yiri shan maalmood kaliya.
Wey hishiiyeen labadii nin lacag fiican ayaa loo sheegay ninkii geedaha jarayay aad ayuu ugu qancay. dabadeed waxaa la siiyay FAAS waxaana la dhex geeyay beertii uu ka jari lahaa dhirta, shaqo wacan iyo hagaag ayaa leysku celiyay.

Maalintii kowaad ninkii wuxuu jaray oo uu dhulka dhigay 12 geed. markii uu soo hoyday habeenkii ayaa waxaa u yimid milkiilhii beerta wuu wareystay wuxuuna u sheegay in 12 geed uu hilfaha u qaaday. Hambalyo si fiican baad u shaqeysay halkaa ka si wad berri ayaa lagu yiri.

Ninkii dhir jaraha ahaa aad ayuu ugu muusooday hadalka milkiilaha wuxuna niyada iska yiri waa in aad berrina si adag u shaqeysaa, aroortii ayuu ku kalahay beertii wuxuu bilaabay goyntii dhirta. laakiin wuxuu dadaalaba wuxuu jaray 8 geed kaliya. maalintii ku xigtay wuxuu jaray 5 geed maalinba maalinta ka danbeysay hoos ayuu u sii dhacayay ilaa ay dhamaatay shantii maalin uu qabsaday. waxaa u yimid ninkii beerta lahaa wuxuu weydiiyay xaal meesha uu marayo inta geed ee uu jaray? .

Ninkii oo niyad jabsan ayaa ku jawaabay mudane waxaan jaray 30 geed kaliya. hayeh maxaad u maleyneysaa in ay ku dhacday?

Awooddeydii ayaa sii yaraaneysa, mana garanayo sababta,marka ballantii aan qaaday waan oofin waayay iga raali noqo mudane. ninkii beerta lahaa ayaa yiri “Goorma ayey aheyd markii kuugu dambeysay ee aad afeyso Faaska”?
Yaaaah Afeyn aa maba afeyn oo waxaan ku mashquulsanaa jarista geedaha oo madaxa igaga jirtay dhameyntooda.

Milicsi:
Nolosheena waa sidaa oo kale, waxaan mararka qaarkood mashquul ku nahay shaqo raadin, shaqo helis laakiin waqti uma helno in aad dib isku eegno xageen joognaa? maxaa inaga qaldan? waddadan sax matahay oo alle raali ma inooga yahay? iimaankeena ma jadiidinaa? waan aragnaa sida uu u muuqda caalamka qof kasta waa mashuul, waxaa laga yaabaa in aanu illownay sidii ninkii dhir jaraha ahaa ku dhacday oo kale.Waxaan dhamaanteen u baahanahay waqti aynu ku eegno maxaan mashquul ku nahay waa in aynu fekernaa haddii kale waxaan maalinba maalinta ka danbeysa hoos ugu dhaceynaa in aan sii CAAJISNO oo ugu dambeyn aan is dhiibno.

Inta waqtiga aad heysato qof walbow Faaskaaga Afeyso.
W/Q Siciid Xagaa Afrax.

Check Also

VIDEO: Xalinta Khilaafaadka Iyo Muhiimada Cafisku Leeyahay

Akhristayaasha Sharafta leh ee ku xiran Qurbo Magazine, waxaan leenahay Ramadaan Kariim meel kasta oo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *