Xog Ku Saabsan Gudniinka Fircooniga Iyo Dhibaatooyinka Guurka

Intaynaan u gelin dhibaatooyinka gudniinka Fircooniga ah, bal aynu marka hore sharrax gaaban ka bixinno Xubnaha Taranka Dumarka, si ay akhristaha ugu sahlanaato inu ogaado waxa dhacaya.
Xubnaha Taranka dumarku (Qaybaha sare) waxay ka kooban yihiin:female-genital-mutilation
– Faruuryaha waaweyn: Waa laba lakab oo maqaar ah, kana billowda bisaqleyda jiitamana ilaa lafta dabaqanaanta halkaana ku milma. Faruuryuhu waxay ka samaysan yihiin gaballo xayr iyo carjaw isugu jira iyo shabakad dareemeyaal aad u dareen fudud ah. Waxa kale oo ka dhex buuxa xididdada dhiigga qaada oo soo gaarsiiya dhiig aad u fara badan.

– Faruuryaha yaryar: Waa laba lakab oo maqaar khafiif ah, kuna dhaca dhanka gudaha ee faruuryaha waaweyn, waxana laftooda soo gaara dhiig aan yarayn. Dhanka gadaale, faruuryaha yaryari waxay ku kulmaan xuubka bikaarada, dhanka horena waxay daboolaan Kintirka. Faruuryaha yaryar waxa dhinaca dambe kaga dhex jira daloolkii hoose ee Cambarka dhanka horena kii kaadida.

– Kintirka: Waa xubin u dhiganta geedka ninka kolka laga eego xagga kicitaanka iyo dareenka, waxana ku dhexjira xididdo fara badan oo dhiigga qaada. Kintirku sidaynu soo sheegnayba waxa uu ku yaal halka ay ku kulmaan labada faruuryood ee yaryar dhankooda hore, salkiisuna waxa uu ku dhow yahay daloolka kaadida. Kintirka ciyaar ciyaar looma abuurin, balse waxa uu leeyahay shaqo dabiici ah oo aad muhiim u ah. Sida geedka ninku u kaco ayuu Kintirkuna u kacaa, dabeetana labada faruuryood ee waaweyn dhiig ka soo buuxsamaa, qanjirraduna dheecaan soo daayaan fududeeya howsha galmada, haweeneydana siiya dareenka macaansi ee howshaasi galmo.

Xubnaha taranku waxay leeyihiin shaqo leh qaayo aad u weyn, taasi oo ah sidii isku si looga qaybgeli lahaa shaqada Bayoolojiyeed ee muhiimka ah.

FULINTA GUDNIINKA FIRCOONIGA

-Markanna aynu fiirinno waxyaabaha dhacaya kolka gabadha la gudayo. Gudniinka Fircooniga ahi waxa uu khasab ka dhigayaa in la jaro qayb kamid ah Faruuryaha waaweyn iyo in gebi ahaanba la dabar jaro Faruuryaha yaryar iyo Kintirka. Dabeeto qori dhuuban (sida kan cuudka kabriidka) inta la dhex suro faruuryihii waaweynaa ee qaybta laga jaray baa markaa dhinacyada laga soo qodbaa, amaba lama qodbee, labada bawdo ee inanta layku dabraa, si dhaawacii faruuryuhu isugu bogsado (baanto).daryeelmagazine.com Afartan beri kedib baa dabarka laga furaa si loo hubiyo inuu cambarkii gebi ahaamba isku baantay. Qoriga yar ee dhexda la suray waxa loogu talo galay in kolkay faruuryuhu isku baantaan ay reebaan dalool ay inantu ka kaadiso kolkay qaan gaartana dhiigga caadadu uu kasoo baxo.fgm-knife

-Sidaas baa haddaba dumarkayaga looga xayuubiyaa xubintii taranka ee Eebbe u sameeyey. Inanta sidaa loo galay waxa nafteeda iyo nolosheeda hareeya nacayb iyo cadawtinimo, mar haddaanay galmada ninkeeda ugala qaybgeli karin sidii dabiiciga ahayd ee laga doonayey. Waxay weysaa raaxadii ay ka heli lahayd galmada saxda ah, waxana nafteeda ku dhasha welwel iyo walbahaar, dareentaana inay baadi tahay, dhankay dabayshu u socotana ka hor jeeddo, iyadoo weliba isu qaadata inay samaynayso hawl ay ku khasban tahayna. Haweeneyda caynkaasi ah waxa ku abuurma cudurro nafsiyeed, jireed iyo jinsiyeed fara badan, waxayna isu dhiibtaa xanuun iyo taag darri ugu dambaynta ku dhaliya qabow jinsiyeed (Kacsi la’aan), waana aafada ugu daran ee qayb libaax ka qaadata khilaafaadka maanta guri Soomaaliyeed oo ka marani uu yaryahay.lamaanaha

Check Also

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka Ee ay Tahay Inaad Ka Fogaato

Kansarku waa kelmad balaadhan oo loo isticmaalo noocyo badan oo cudurro ah kuwaas oo la …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *