Xiriirka Ka Dhexeeya Fikirka Wanaagsan Iyo Horumarka Nolasha

fikirka wanaagsanDadka dunida jooga oo dhami waxa ay ka siman yihiin rajooyinka fikirka, laakiin waxa aan shaki ku jirin in anaay jirin laba qof oo si iksu mid ah wax kasta uga fikiraa laakiin waxa suurtogal ah in ay jiraan dad afkaarta qaar ka midaysani.

Hadaba qaabka uu u fikiro qofku waxa ay saameysaa noloshiisa dhabta ah, haddii hanaanka uu u fikirayaa yahay mid wanaagsan oo  iftiimaya, isla markaana ku dhisan rajo iyo hididiilo horumareed, noloshiisu waxay noqoneysaa mid quruxbadan lagana daalacan karo farxad iyo rayn rayn.

Haddii qaabka fikirkiisu noqdo mid mugdi ah oo qalalan, kama madhna rajo, ku dhisan aragti gaaban, waxana hubaal ah in ruuxaas noloshiisu noqoneyso mid murugeysan, oo hadheeyeen guuldaro iyo murugo.

Xidhiidhka ka dhexeeya  fikirka wanaagsan iyo nolosha wanaagsan waa kuwo aan kala madhnayn tusaale ahaan marka uu qofku si wanaagsan u fikiro waxa uu dejiyaa qorshe wanaagsan oo anfaha isaga iyo dadka kaleba. Sidoo kale qorshaha wanaagsan waxa ka dhasha horumar iyo nolol wanaagsan oo lagu nasto isla markaana lagu gaadho mustaqbal fiican.

Tusaale marka ardaygu la yimaado da’daal ee uu ka adkaato duruustiisa waa fikir wanaagsan oo dhalay qorshe wanaagsan kaas oo ugu danbayn ardayga dhaxalsiiya in uu ka midho dhaliyo da’daalkiisa aqooneed oo uu ku gaadho mustaqbal iftiimaya iyo nolol wanaagsan, laakiiin hadii uu ahaan lahaa arday kan lidkiisa ah waxa suurtogal ah in uu noloshiisa danbe tacab badan iyo cidhiidhi galo.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *