Xikmado Xul Iyo Xaqiiiq Ah

xikmado xul iyo xaqiiq ah

Qormadaan gaaban uga faa’iidayso xikmado xul iyo xaqiiq ah isla markaana ku anfici doona:

1. Marnaba Been ma noqoto Run, qalad ma noqdo sax, xumaan ma noqoto wanaag xitaa haddii ay aqbalaan ama rumeystaan dad badan

2. Yaysan ku galin kalsooni saa’id ah ama yididiilo badan goortii qof ku yiraahdo waan ku jeclahay. Su’aasha saxda ah waxa weeye, Ilaa iyo goorma? Sababtoo ah sida xilliyada sanadka isu bed-bedelaan ayay dadkuna isu bedelaan

3. Goortii xumaan lagu sameeyo; Dadka daciifka ah way aargoostaan, Dadka xoogan way Cafiyaan, Dadka caqliga badan way hilmaamaan

4. Qofna ma oga halganka aad ku jirto, qofna ma oga murugadaada, qofna ma oga xanuunkaaga laakiin waxay dhamaan ogaadaan oo sii wad-wadaan hadaa sameyso hal qalad

5. Dadka Qalbiga fiican wax badan bay dadka caawiyaan, wax badan bay bixiyaan, si dhab bay wax u jeclaadaan hadana waxaa soo gaara waxyeelada ugu badan, waxayna awoodaan inay ku qariyaan kun dareen oo murugo ah hal dhoolacadeyn oo farxad ah

6. Ku qanacsanow waxa aad heysato, hana ka fakirin waxa aadan heysan. Waxa aad heysato waxa ay ka timi nimcada Alle, waxa aadan heysan oo kaa maqan waxa ay ku timi Xikmada Alle.

7. Mararka qaar dad kaa fog kumanaan mile ayaa ku siin kara farxad aadan ka heli karin kuwo dhinacaaga jooga

8. Ha u noqon Adoon shaqadaada, ha ku lumin waqtigaaga wax aan dan kuugu jirin, Ha ku dayicin daryeelka naftaada madadaalo micno la’aan ah, ha u baabi’in naftaada shaqsi ama shaqo aan horumar ku gaarsiineyn.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *