Xikmado Xul Ah

Xikmado Xul iyo Xaqiiq ah

1. Marnaba ha ka quusan wax aad si dhab ah u rabto, way adag tahay in la sugo, laakiin waxaa ka sii daran inaad ka shalayto

2. Goortii aad aqbasho qof, waxaad aqbashay wixi ay horay u soo mareen oo dhan. Sidaa darteed, dib ha u soo gocan hana u adeegsan

3. Goortii aad qof necbeysato, wax kasta ay sameeyaan waxay noqonayaan kuwo kaa xanaajiya. Haddaba ha gelin niyadaada wax naceyb ah

4. Aargoosiga ugu wanaagsan waa inaad horay u socoto, cafiso iska ilowdo, kuna dedaasho inaad guuleysato. Marnaba ha siin qof qanaacada ah inay ku daawadaan adigoo dhibaatoonaya

5. 80% dadku way iska aamusaan xitaa kolki ay rabaan inay wax yiraahdaan si ay uga fogaadaan muran qof ay daneynayaan

6. Marnaba aad ha ugu xidhnaan qof haddii aysan iyaguna sidaa oo kale dareemayn, sababtoo ah jaceyl hal dhinac ah maskax ahaan ayuu ku baabi’in karaa

7. Dadka qaarkii ma rabaan inay runta maqlaan sababtoo ah ma doonayaan in dhalanteedkooda la burburiyo

8. Jaceylku waxba ma aha hadaan ficil la socon, Aaminaadu waxba ma aha hadaysan caddeyn (daliil) la socon, Raaligelintu waxba ma aha haddii aan isbedel jirin.

9. Qofka u dambeeya ee maskaxdaada ku jira marki aad seexan rabto habeenki waa sababta farxadaada ama xanuunkaaga

10. Dadku waxay inta badan hilmaamaan inay kuu mahadceliyaan markaad wanaag u sameyso, laakiin marnaba ma hilmaamaan inay ku eedeeyaan haddii aad hal qalad ku sameyso

W/D: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *