Xikmado Xiiso Badan

1. Faynuustu ma hadasho. Waxay isku soo bandhigtaa iftiinkeeda. Kuwa guuleystay marnaba ma aha inay naftooda buun-buuniyaan, balse waxqabadkooda ayaa la rabaa inuu soo bandhigo oo hadlo

2. Inaad ka quusato hadafkaaga Nolosha hal caqabad darteed waxay ka dhigan tahay inaad saddexda taayar ee gaariga iska saartid sababtoo ah hal taayar baa kaa banjaray, fariistay

3. Haddii aad Qalbigaaga wada siiso qof, way dhaawacayaan, wada sii Qalbigaaga Alle SWT, isagaa kuu toosinaya, kuuna xoojinaya

4. Halka aan ka soo jeedno iyo duruufaha inagu xeeran waxaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeeshaan naftaada, laakiin adigaa ka mas’uul ah qofka aad noqoneysid

5. Mararka qaar waxaa Noloshaada ku soo biira dad gaar ah kuwaas oo hoos kuu dhiga, kuna dhibaateeya, si Alle SWT kuu baro in aad u noqotid iyo in aadan cidna ku tiirsanaan aan Alle ka ahayn

6. Gawaarida Rolls Royce iyo Bentley ma laha wax xayeysiin (iidheh) ah. Sababtoo ah waxay garanayaan qiimaha & tayada Alaabtooda inay macaamiisha u keenayso. Markaad taqaan qiimahaaga uma baahnid inaad is xayeysiiso, is tus iyo ha lagaa sheego sameyso. Sare u qaad qiimahaaga qofnimo, adkee shaqsiyadaada iyagaa hadlaya oo dadka kuu bandhigaya

7. Ducada aad sameyso kolki aad Sujuudsan tahay waa waxa Qalbigaaga sida dhabta ah u rabo. Waa meesha keliya aysan fikradahaagu ka awood badin karin dareenkaaga.

8. Goortii aad u qaadato in Aduunyadaadi dhamaaneyso, ha is dhiibin. Kor eeg, ka dibna dhoolacadee sababtoo ah Alle ayaa mar kale Iimaankaaga tijaabinaya

W/Q: Farah Cawaash 

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *