Xikmado Xaqiiq Ah

1. Qofna ma aha qof dhameystiran oo ceeb ka saliim ah Dunidan. Hadii aad kaga fogaato dadka qaladaadkooda, waxaad weligaa keli ku ahaaneysaa Aduunka. Xukmi wax yar, Jeclow wax badan

2. Geesinimadu ma aha in aadan cabsan. Geesinimadu waa in aadan u oggolaan cabsidaada in ay ku joojiso

3. Mar kastoo aad is tiraahdo maanta maalin xun ayay ii tahay, Xusuusnow in qof meel kale jooga uu la halgamayo nafti oo ka sii baxeysa. Ku Shugri Alle in uu ku siiyay fursad kale oo Nolosha ah maanta

4. Hadal jees-jees & ka fiirsasho la’aan loo yiri ayaa xurguf sababi kara. Hadal axmaqnimo ah ayaa nolol baabi’in kara. Hadal naxariis iyo dhiirigelin ah ayaa qof bogsiin kara ama bedeli kara. Qof kastana isagaa dooran kara waxa uu ku hadlayo iyo sida uu u hadlayo

5. Ha ka baqin in aad is bedel sameyso. Ha ka cabsan in aad fashilanto ama dhibtooto. Ogsoonow haddii aan mugdi jirin marnaba ma aadan aragteen xidigaha

6. Iska ilaali inaad u noolaato si kibir & isla weyni leh, si is tus-tus iyo ha lagaa sheego, keliya waxay kuwan qofka dhaxalsiiyaan inuu waayo deganaan maskaxeed, kuna noolaado naceyb iyo caro

7. Dadku waxay yiraahdaan ma garanaysid faa’iidada & qiimaha waxa aad haysatid illaa aad weydo… laakiin xaqiiqdu waa, waad garanaysay waxa aad heysatay ee waxaad u qaadatay oo kula ahayd in aadan weligaa waayi doonin

8. Ma joonin karno dhibaato in ay dhinaceena soo aado oo noo timaado, laakiin waxaan awoodi karnaa in aynaan siin dhibaatada Kursi ay ku fariisato oo nagula joogto.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaahe

Check Also

cudurka baraska

Noocyada Cudurka Baraska, Sababaha Keeno Iyo Dadka Halista Ugu Jiro Inuu Ku Dhaco

Baraska waa cudur kayimaada khalad ku dhacay hidasidaha qofka kaasoo sababa in maqaarka, timaha, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *