Xikmado Wax Ku Ool Ah

Halkaan uga faaidayso xikmado wax ku ool ah oo nolosha ku saabsan

1. Hooyo ayaa Laweydiyey Yaa Ujeceshahay Caruurtaada Waxay Tiri. Kan Xanuunsan Ilaa Uu Caafimaadayo, Kan Maqan Ilaa Uu Imanayo, Kan Yar Ilaa Uu Weynaado, Dhamaantood ilaa an Dhimanayo.

2. Ha Kudhihin Ilmaha Orod aad Salaada, Lakin Ku Dheh Inakeen Tukanee Si an Janada Ugalno.

3.Labo ayaa La Weydiiyey Maxaa Shaqada Uga Daahdaan?, Mid ayaa Ku Jawaabey: Hooyo ayaan La Mashquulsanaa, Kii Kale ayaa Ku Jawaabey: Hooyo ayaa Imashquulisey!. Akhlaaq Tii Ugu Saraysay Vs Akhlaaq Tii Ugu Liidatay!.

4. Mid ayaa Laweydiiyey Sidee Keligaa Cidla Ujoogtaa? Wuxuu Yiri. Rabbigey ayaan La Joogaa Markaan Rabo in Uu Ila Hadlo Qur’aankaan Akhriyaa, Markaan Rabo In an La Hadlona Laba Rakcadood baan Tukadaa.

5. Markaa Sarayso Saaxiibadaa ayaa Garanaya Ciddaa Tahay!, Laakiin Markaa Hoos Udhacdo adi ayaa Garanaya Saaxiibadaa Cidda ay yihiin.

6. Qof aan Garanayn Qiimahaaga Markaa La Joogto, Markaa ka Maqnaato ayuu Ka Qoomamayn Khasaaradaada, La Mac ahow Cidda Ku Qadarinaysa, Ha Udhigin Qiimahaaga Hoos, Hadii Qadarinta La Miisaamilahaa Dhagaantaa Aluminium-ta Ka Qaalisanaanlahaa.

7.Kalluunku Afka ayuu Xidhaa Si an Loo Ugaadhsan, Xidh Afkaaga Waxaa Jira Kuwo Khaladaadkaaga Raadinaya, Xurmee kan Danta Kubida, Loox ayaa Musbaar Ku Yiri Waad I Dulmidey, Musbaarka ayaa Dhahay Hadii ad Arkilahayd Dubaha La Iladhoco Waad Ii Cudurdaarilahayd, Ucudurdaar Dadka, Noqo Sida Qorraxda Oo Kale Mid Saafi ah Niyadana Hagaaji.

9. Nin Saalixiintii Hore kamid ah ayaa La Weydiiyey Maxaa Masjidka Utagtaa intaan La Adamin? Wuxuu Ugu Jawaabey Adanka Waxaa Lagu Baraarujiyaa Kuwa Moog, Waxana aan Rajaynayaa in aanan Kamid ahayn Kuwaas.

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *