Xikmado & Murti Qaali Ah

1. Biyuhu waa waxa ugu jilicsan hadana waxay dilaaciyaan dhulka, waxayna dhaqaajiyaan dhagxaan, waxay dejin karaan Markab, tani waxay si cad kuu tusaysaa Mabda’a ah in dabacsanaan & deganaan aad kaga guuleysan karto wax aad u adag

2. Saburku ma aha ilaa waqtiga aad sugi karto, balse waa sida wanaagsan aad u dhaqmi karto inta aad sugeyso. Marnaba ha is oran way kaa daaheen wixi aad sugaysay ama weligaa ma helaysid.

3. Wax wanaagsan ayaa u muuqan kara xumaan hadii dhanka mugdiga ah ka eegto, wax xun ayaa u muuqan kara wax wanaagsan haddii aad ka eegto dhanka iftiinka ah. Sida dadku wax u arko ama u cabiro ayaa kala duwan

4. Ha ka caajisin hana is dhiibin, halganka aad Maanta ku jirto, wuxuu kuu diyaarinayaa Awooda aad Beri u baahan tahay. Dhib kasta oo ku soo martay waxay fursad u ahayd koritaankaaga qofnimo

5. Marnaba ha nicin dad kaa maseyrsan ama ku ximiya, xushmee maseyrkooda. Waa dad u arka in aad ka wanaagsan tahay

6. Qofna intuu Qabrigaaga soo istaago ma oranayo “Wuxuu wadan jiray Mobilo qaali ah, Waxay lahayd Sawiro qurux badan, Wuxuu lahaa Guri weyn, Waxay kaxeysan jirtay Gaari sare” laakiin inta God yar lagu geliyo ayaa lagaa soo dhaqaaqayaa, keliya waxaa ku raacaya Camalkaagi Aduun

7. Dad qaarkii waxa ay la yaabaan ama is weydiiyaan sababta dhibaatada ugu soo noq-noqoneyso, ma oga in Imtixaanka iyo casharada la soo cel-celiyo ilaa qofku wax ka barto ama wax ku qaato

8. Qof Maskiin ah ama baahan haddii uu wax ku weydiisto ha ka bakheylin, sii wax kasta aad awoodo. Ogow sabab baad ku kulanteen adiga ayaana laguugu eegayaa in Wixi Alle ku siiyay aad wax ka bixiso iyo in lagaa soo celiyo ama Barakada laga qaado

9. Yeelo Saaxiib iyo Asxaab laakiin Ha hilmaamin Dadki Aduunkan ku keenay oo ku soo saaray, Xusuusnow in ay ku sugayso in aad Dad koriso, tababarto, heerna gaarsiiso, Xiriiri qaraabada, Xaq-dhawr Deriska, Xushmee dadka

10. Haddii ukunta banaanka laga jebiyo, nolosheedi waa dhamaataa. Haddii laga jebiyo gudaha noloshi waa u bilaabataa oo digaagad yar baa dhalata. Noloshaada & wax kastoo sareeya waxay ka bilowdaan gudaha, marnaba ha sugin wax banaanka kaaga yimaada in ay ku bedelaan ama farxad kuu keenaan

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *