Xikmado Ku Saabsan Saaxiibtinimada

Saaxiibtinimada

1. Saaxiibada aad leedahay saddex nooc ayay u kala baxaan: B) Kuwa ku caawiyay waqtigi aad dhibka ku jirtay. T) Kuwo kaa tagay xilligi dhibaatada ku heysatay. J) Kuwa iyagu dhibta ku gashay

2. Qeybta ugu wanaagsan Nolosha waa; Marki Qoyskaagu kuu fahmaan sidi Saaxiib oo kale, Saaxiibadaana kuu taageeraan sidi Qoyskaaga oo kale

3. Saaxiibada beenta ah waa sida Harka (hooska) oo kale had iyo jeer waa kula socdaan xillga aad iftiinka ku jirto, balse ma arkeysid saacadaha aad mugdiga (dhibka) ku jirto

4. Inaa daacad ahaato kuma heli kartid saaxiibo badan balse waxaad ku helaysaa saaxiibo run ah

5. Marnaba ha ku xulan saaxiib adigoo si dhameystiran u fahmin. Sidoo kale Marnaba ha ku waayin saaxiib is fahan daro ama muran yar

6. Saaxiib waxaa ugu wanaagsan qofka Alle ku xusuusiya. Kheyr kula jeclaada. Marnaba aan dambi kuu horseedin ama kuugu yeerin

Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Saaxiibtinimada Waarta

7. Iska ilaali saaxiibada xun ama nolosha ka dhacay inaad wax badan ag joogto ama raacdo, ogow saaxiibada noocaas ah inay keligood dhintaan ma rabaan waxay rabaan inaad isla dhimataan. Markaad aragto kuwaa ka carar!

8. Haddii aad ka cabsan jirtay kelinimada (cidlada). Hada ka cabso inay saaxiib kuu noqdaan dad xun

9. Qof kasta wuu kuu iman karaa goortii aad faraxsan tahay ama guuleysatay, laakiin kuwa dhinacaaga jooga goortii aad niyad jabsan tahay ama fashil ku soo gaaro, kuwaas ayaa ah saaxiibadaada runta ah

10. Saaxiibka dhabta ah wuxuu xaqiiqdii kuu yahay Hantidaada nolosha. Si daacadnimo ah ayay kuu saxaan, kuu hagaan, kuuna taageeraan. Wehelkoodu wuxuu ku xusuusinayaa in aadan marnaba keli ku ahayn dunidan

Diyaariye: Farah Cawaash

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *