Dabeecadaha Dumarka

Xikmado dumarka, oraahyo, hadallo qosolDumarka waxaa laga abuuray feerta ninka, lagama abuurin madaxiisa si ay uga sarayso, lagamana abuurin cagtiisa si uu ugu istaago, Waxaa laga sameeyay dhinaciisa si ay ugu dhowaato, gacantiisa hoosteeda si uu u xafido, wadnihiisa agtiisa si uu u jeclaado!!

Haddaba, Ina Ragow
Jeclow… Goortii ay kabato Shaahaaga. Waxay rabtaa keliya inay hubiso inuu si fiican kuugu dhadhamayo.

Jeclow… Goortii ay kugu dhiirigeliso inaad tukato. Waxay rabtaa inaad Jannada ku kulantaan

Jeclow… Goortii ay ku weydiiso inaad caruurta la ciyaarto. Waxay rabtaa inaad Aabenimo dareento

Jeclow… Goortii ay maseyrsan tahay. Waxa Rag dunida jooga adey kaala soo baxday

Jeclow… Goortii ay ku weydiiso inay buuran tahay. Fikradaada ayaa muhiim u ah, u sheeg inay qurxoon tahay.

Jeclow… Goortii cunto karinteeda ay liidato. Aad bay dedaal & isku day u sameynaysaa

Jeclow… Goortii ay saacado ku qaadato inay is diyaariso. Waxay rabtaa inay kuula muuqato teeda ugu wanaagsan

Jeclow… Goortii ay iska ilmayso sabab la’aan. Ha weydiin, u sheeg in wax kasta hagaagayaan

Jeclow… Goortii wax kasta aad sameyso aysan farxad gelin. Way dhacdaa, waana laga gudbayaa

Jeclow… Goortii ay kuu sheegto sida gaariga loo kaxeeyo. Waxay kula rabtaa keliya badbaado

Jeclow… Goortii ay kula doodo. Waxay rabtaa in xaaladu idiin hagaagsanaato labadiinaba

Jeclow… Goortii dabeecadeeda is yara bedesho. In ka badan baa leedahay. Xikmad & deganaan ayaad ku bedeli kartaa

Jeclow… Goortii ay kuu soo iibiso macawis aadan jeclaysan. U dhoolacadee una sheeg in ay tahay wixi aad weligaa rabtay

Dhamaan kuwani waxay qeyb ka yihiin dabeecadaha dumarka. Haweenku waa qeyb ka mid ah noloshaada. Xushmee, Xanaanee oo Xaqdhawr.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *