Xikmado Dhiiri Galin Ah

xikmad dhiiri galin ah, dhiiri galin jaceylQormadan gaaban waxa aynu akhristayaasha kula wadaagaysa erayo iyo xikmado dhiiri galin ah oo aynu kasoo aruurinay ilo kala duwan.

Caruurta quluubtoodu waa nadiif laakiin dharkooda ayaa wasakh ah, dadka waaweyna dharkooda ayaa nadiif ah, laakiin qalbiyadoodu waa wasakh, kuwo Allah (sw) badbaadiyay mooye.

Shimbirta Laanta jilicsan fuushani ma baqato, maxaa yeelay kuma kalsoona laanta ee balasheeda ayay ku  kalsoon tahay.

Muhim Maaha inaad ka xanaaqdo wax dhabarkaaga laga yidhi waayo hortaada lagama odhan karo.

Ha ku dadaalin inaad dhisato guri weyn oo aad ku noolaato, laakiin ku dadaal inaad dhisato guri aad ku noolaato oo xasiloon oo ay ka dhex iftiimayso akhlaaq wanaagsan iyo Allah ka cabsi.

Awood uma lihid inaad bedesho inaad bedesho  muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan, laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.

Ha isku mashquulin hana ka fekirin gefkii shalayto, waayo berri waa fursad kale oo aad ku sixi kartid intii shalay qabyada kaa ahayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *