Xikmado Dhaxalgal Ah

xikmado dhaxalgal ah

1. Ka taxadar waxa aad hada beeranayso, waxay sabab u noqonaysaa miraha aad beri goosaneyso. Maalin ayaad ku farxi doontaa mirihi aad beeratay ama waad ka shallaayi doontaa xulashadi aad ku beeratay

2. Sonkor iyo Cusbo waa isku qasmi karaan, laakiin xitaa Qudhaanjadu way diidaa cusbada, waxayna qaadataa keliya sonkorta. Dooro la socodka dadka wanaagsan kana dhig noloshaada mid macaan.

3. In dadku si geesinimo leh u qirtaan qaladkooda oo raaligelin bixiyaan waa wax aad u adag marmar laakiin waa waxa ugu raqiisisan ee badbaadiya hadiyada ugu qaalisan nolosha ee la yiraahdo Xiriir

4. Marnaba ha ka welwelin hana isku mashquulin dadka gadaashaada ka hadla, sababtoo ah waxay cadeyn u tahay in noloshaadu aad uga xiiso badan tahay tooda

5. Haddii aad si daacad ah u aaminto qof, Aamin ilaa xad wax kasta oo natiijadu tahay, ugu dambeynti waxaad helaysaa saaxiib aad u fiican ama Cashar aad u fiican

6. Qofna ha ku nicin hana ku dhibsan nabar meel ka mid ah jirkiisa ka muuqda sababtoo ah Dhaawac kasta wuxuu reebaa xagtin (haar), xagtin kastana waxay sheegtaa sheeko. Sheekadaasoo oranaysa, “Waan badbaaday”

7. Laga yaabee in Noloshaada u socon sidi aad u Qorsheysatay balse waxay kuugu socotaa sidi Alle u qorsheeyay. Xaqiiqdii Alle Qorshihiisa ayaa ugu wanaagsan. Sii wad dedaalka iyo ducada

8. Qof kasta oo xil qabta waa tegayaa, waana banaynayaa booska shaki la’aan. Sidaa darteed, had & Jeer hamigaagu ha ahaado bixitaan Guul ah, dhaxal ka tag dhamaadkaaga. Waxa muhiimka ah ma aha in naloo sacab tumo markaan nimaano balse in nala xasuusto markaan tagno.

W/D: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *