Xikmado Dahabi Ah

Xikmado dahabi ah, talooyin, xikmad, erayoka faaidayso xikmado dahabi ah

1. Haddii aad ka daasho sameynta camal wanaagsan, daalku wuu baaba’ayaa laakiin camalada wanaagsan way harayaan. Haddii aan ku raaxeysato sameynta xumaan, farxadu way baaba’aysaa, waxaana haraya dambiga.

2. Mararka qaar waxa ugu wanaagsan aad sameyn karto waa inaad afka xirato, uguna sareeya Jaceylka. Iska hubi qofka ku jecel inuu kuu duceeyo iyo inuu hoosta kaa habaaro.

3. Dadku waa saddex qeybood: Kuwa ficilka iyagu sameeya, Kuwa aan waxba sameyn oo iska fadhiya iyo kuwa yiraahda maxaa dhacay, maxaa la soo sheegay.

4. Saaxiibada beenta ah waa sida Harka oo kale had iyo jeer waa kula socdaan xillga aad iftiinka ku jirto, balse ma arkeysid saacadaha aad mugdiga ku jirto.

5. Goortii aad qof u duceyso, waxaad siineynaysaa nooca ugu saafisan mid naxariis badan, yaan hadal kaa tagin. Qof kasta tiisa ayaa heysata maanta. Waqtiga iyo Waayuhu dadka waa u siman yahay.

6. Ha xukmin qofna sababtoo ah waxay dambi u sameeyaan si ka duwan sidaad u sameyso. Qof kasta wuu dambaabaa. Alle SWT ayaa Qalbiyada dadka xukuma, ogna waxa ku jira.

7. Masaafada u dhaxeysa Riyadaada iyo Runta waxaa la yiraahdaa Ficil. Ha sugin in waqtiga sax kuu noqdo si aad is bedel u sameyso. Ka bilow halka aad ku sugan tahay, waxa aad heysato iyo Hadadan la joogo.

8. Dabeecadaha Ragga waxaa ugu liita ninka markuu asxaabtiisa la joogo Qosol badan la wadaaga balse aan Gacalisadiisa markuu u tago kalmad kaftan & farxad oran karin, qaladaadkeeda qorta, qeylana ugu dara.

9. Marnaba ma garan kartid dagaalka qarsoon iyo halganka qof ku jiro. Ahow indhahana furato. Runta iyadaa had iyo jeer soo baxda ugu dambeyntii.

10. Romance ma aha oo keliya hab isa siin, heesa dhageysi, shumac shidasho, ee waa in qofku gartaa in nolol cusub u bilaabatay, mas’uuliyad culus fuushay, wixi hore joojiyaa, daryeel & dedaal badan sameeyaa, si adag u shaqeeyaa. Ogow haddii hadhow kiro guri & biil koronto la soo dallaco hab baan ku siinayaa oo romance baan ahay kaa bixin meyso.

Waxaa Diyaariyay:  Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *