Xikmadii Luqmaan Al-Xakiim iyo Sharaxaad Yar

  •  Hadii aad salaad dukanaysid , Ka taxaddir Qalbigaaga.  ( ka dhig qalbigaaga qalbi Alle (SW) u qushuucsan )
  • Hadii aad wax cunayso , Ka taxaddir waxa aad Dhuunta marinayso.  ( iska ilaali in aad wax xaaraan ah cunto )
  • Hadii lagu marti qaado , Ka taxaddir Indhahaaga.  (Waa in aad xakamaysaa naftaada oo aad xushmaysaa cida ku marti galisay).
  • Hadii aad dad ku dhex jirtana , Ka taxaddir Carabkaaga. ( Ku hadal hadalka kiisa wanaagsan kana tag kiisa foosha xun )

” Sidoo kale waa in aad Xasuusataa Labba Arimood ”

1-Waa in aad xasuusataa Allah ( SW ) oo aad ka mahadcelisaa nimcooyinka tirada badan ee uu kuugu deeqay .

2- Waa in aad xasuusataa Geeri iyo in ay dunidu tahay meel ku meel gaar ah oo aad mar un ka tagaysid .

” Sidoo kale waa in aad iska ilowdaa labba arimood ”

1- Waa in aad Iska ilow wax waliba oo wanaag ah oo aad cid kale u gashay ( u samaysay).

2- Iyo wax waliba oo xumaan ah oo ay cid kale kuu gaysatay.
Waayo abaal marinta dhabta ah waxa ay jirtaa aakhiro sidaa awgeed camal kaaga wanaagsan dib u dhigo.

Via: Dhalinta Maanta

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *