Xikmada Todobaadka

xikmado xikmada toddobaadka xikmadXikmada todobaadka:

-Ha doondoonin RUNTA iyadaa imaneysa kaliya waxaad joojisaa xumaha iyo fikradahaada khaldan.

-Weligaa Saca geesaha weyn hortiisa ha istaagin, dameerkuna gadaashiisa ha istaagin laakiin qofka nacaska ah labadiisa dhinac iska ilaali.

-iska ilaali in wejiyada dhalaalkooda aad qofka shaqsiyaddiisa ku xukmiso. waxaad wax ku cabirtaa qofka carrabkiisa iyo ficilkiisa in ay is lahaadaan.

-Nolol waxey bilaabataa marka ay tirtirto dadka xun xun.

-Saxuunta Dahabka ka sameysan marnaba Madow ma noqdaan.

-Qof kasta Talo weydii laakiin taada ha iloobin.

-Ka dhago la’ow hadalada niyad jabka ah si aad u gaadho hadafkaada.

-Adduunyo waxaa ugu xun qof guri kale xaaqaya isagaoo kiisa uu wasaqeysan yahay.

-Waqti iyo hadal badan haku lumin dadka u qalma kaliya in aad ka aamusto.

-Runta waa sida libaaxa uma baahna in aad difaacdo, iska daa ha tagtee iyadaa uga danbeyn is caddeyneysa.

-Kama shalaayo waqtigii i dhaafay mar haddaan weli noolahay ee waxaan ka shalaayaa waqtigii aan ku lumiyay dadka Xun.

W/Q: Siciid xagaa Afrax
Journalist

Sxagaa@hotmail.com.

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *