Xikmad Qaali Ah

Xikmad qaali ah

Ha sii eegin dib iyo wixii tegay, ma jiro qof orodka guulaysta isagoo xaga danbe eegaya.

Farxaddu maahan inaad hesho waxaad rabto waqti kasta ee waa inaad jeclaato waxaad haysatid kuna mahadnaqdid.

Dadka caqliga badan waxay leeyihiin asxaab badan, cadowgooduna wuu yaryahay, waayo saaxiib sanad baad ku heshaa cadowna hal maalin, wanaagna waxaa leh qofka Alle siiyo dabeecad wanaagsan.

Wakhtigu qofna ma bedelo, laakiin wakhtigu wuxu muujiya xaqiiqda qofka.

Mar kasta oo ay gabadhu bulshada ku dhex yeelato sharaf  iyo soo dhaweyn, waxa ay muujinaysaa wanaagga iyo karaamada ninkeeda. Gabadh waxa ugu weyn ee kor u qaaddaana waa dhowrsanaanteeda.

Haddii aad jeceshahay in ay dadku ku cafiyaan, adigu cafiska iyo saamax bilow.

Arinta ugu wanaagsan ee ku difaaci kartaa markaad maqan tahay waa akhlaaqda iyo dhaqankaaga wanaagsan.

Caqliga wanaagsani waa ubax qurux badan oo aan ka bixin beertaada.  Ma jiro qof  qalbigaaga dhaawaci kara haddii aanad siraha iyo meelaha aad u liidato u sheegin. Dadka oo dhan hakula dhaqmin dabeecad keliya waayo cudurada  ma kaxayso dawo keliya.

Haddii aad la fadhiisato jaahiliinta aamus, hadiii aad la fadhiisto culimada amus, maxaa yelay kan jaahiliint dulqaad ayaa kaga kordhaya, kan cuulimada aqoon ayaa kaga kordhaysa.

Biyo kasta oo macaan oo samada ka soo dhaca waxba kama bedelaan biyaha dhanaan ee badda, kalsooni nafta sii,  adiga ayaa isbedeli karaa, laakiin cidna kuma bedeli karto.

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *