Xeelad Aad Ilkaha U Caddaysan Kartid Adigoo Gurigaaga Jooga

Waxaan akhristaayasha qiimaha badan ee ku xiran daryeelmagazine.com halkaan kula wadaagaynaa sida ilkaha loogu caddeeyo huruud, saliid qumbe iyo kicisada burka.

Huruud:

 

huruudaInkastoo Huruuda  lagu yaqaan inay midab jaale ah u yeesho wax kastoo la mariyo hadana waxay ka mid tahay waxyaabaha dabiiciga ah ee ilkaha lagu caddeeyo.

Huruudu waxay u wanaagsantahay dhibaatooyinka ilkaha, sida ilka xanuunka iyo yiridka (gingivitis) sababtoo ah waxaa ku jirta maado la yiraahdo “curcumin” oo antibiotic ah sidoo kalana jeermiska dhisha.

Akhriso: faaidooyinka huruuda iyo sida jirka loogu qurxiyo

Saliid qumbe:saliida qumbaha iyo ilkahaSaliida qumbaha waxay u wanaagsantahay caafimaadka afka. Waxay dishaa bakteeriyada, waxay daawaysaa ilka xanuunka, neef qarmuunka iyo xanuunada cirridka. Sidoo kale saliida qumbaha waxay dhalaalisaa oo ay caddaysaa ilkaha.

Kicisada burka:kicisada burkaKicisada burka (baking soda) waxay ilkaha ka qaadaa wasaqda, waxay diishaa huurada, waxay yareysaa suuska ilkaha iyo xanuunada cirridka.

Tallaabooyinkaan soo socda raac:

  • Waxaad isku dartaa 4 qaado oo huruud budo ah, 2 qaado oo kicisada burka ah iyo 2 ama 3 qaado oo saliid qumbe.
  • Si fiican iskugu qas.
  • Ilkaha marso adigoo isticmaalaysid buraashka lagu cadaysado.
  • Ku caddayso mudo labo daqiiqo ah.
  • Biyo kaga luqluqo.
  • Sidaan samee dhowr mar asbuucii.

Hadii jaalaha huruudu kaaga gaaro maqaarka, marso caano adigoo u daynaya mudo 5 daqiiqo ah kadibna iska mayr

Check Also

quruxda indhaha

Waxyaabaha Dabiiciga ah ee Kordhiyo Caafimaadka iyo Quruxda Indhaha

Indhaha oo ka mid ah lixda dareeme ee aanu aadamuhu nolol maalmeedkiisa uga maarmi Karin, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *