Xasadka Iyo Dhibaatada Uu Gaarsiiyo Maskaxda

xasadka1Daraasad cusub oo la soo saaray dhowaan ayaa cadaysay in  qofka xaasidka ay maskaxdiisu ku soo dayso dhiig badan qaybaheeda firfricoon ee hawlaha kala wada. Taasi oo maskaxda dhib ku keenta iyadoo haddii ay caado noqota hawl qabadkeeda yaraysa isla markaana cimrigeeda soo gaabisa .

Xasadku waa qofka oo jeclaada nicmada ama wanaagga qof  kale haysto inay ka tagto xataa haddii aanu isugu helayn. Qofka Xaasidka ahina  waxaa uu necbeystaa marka uu arko qof Allah (sw) nicmo siiyay sida cilmi, qurux, mansab iyo maal. Rasuulkuna (scw) wuxu xadiis ku yiri “ Qofka kuma kulmaan Iimaan iyo xaasidnimo”   xasadkuna waxa uu marka hore ka bilaabma qof keliya,wuuna fidaa deegaan, shaqo, urur iyo dalba.  Waxaana dabada ka riixaya oo taageera shaydaan.

Waayo isaga ayaa ugu horeeyay cid xaasid la timaada, waana dhaqanka Ibliis kaasi oo xaasiday Nebi Aadam markii Allah (sw) yiri u  sujuud.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *