Xaqiiqooyinka Cudurka Jadeecada (Measles)

jadeecoJadeecadu (Measles) waxa ay ka mid tahay cudurada ugu badan ee ubadkeena  haleela iyada oo ka mid ah cudurada sida dhibta yar la isku qaadsiiyo inta badana khubarada caafimaadku waalidka ka codsadaan in laga tallaalo marka ay ku dhacdana goobaha caafimaadka si dedgeg ah loo geeyo.

Waa maxay Jadeecadu?

  • Jadeecadu waa cudur lasocda qandho iyo finan kuwaas oo noqon kara halis.
  • Waxaa sababa feyraska jadeecada waxayna sifudud ugu faaftaa dadka dhexdooda qofba qofka kale.
  • Dadka halis sareysa ugu jira qaadista jadeecada waxaa kamid ah:
    • Dadka aanan laga tallaalin cudurka jadeecada.
    • Dhallaanka da’adoodu kayartahay 1 sanno (kahor inta aanan laga tallaalin cudurka jadeecada).
    • Haweenka uurka leh kuwaas oo aanan weligooda kudhicin cudurka jadeecada ama aanan hore loogu samaynin tallaal cudurka jadeecada ah.
    • Dadka qabba nidaamyo difaaca jirka ah oo daciifsan.
    • Dadka lagu tallaaley nooc tallaalka kamid ahaa oo la heli jirey xiligii laga soo bilaabo 1963-1967 hadana aanan dib-tallaal loogu samayn.
  • Dadka dhashay kahor 1957 waa kuwo guud ahaan loo tixgeliyo in ay yihiin kuwo ilaalsan (la ilaaliyey) sababtoo ah ayagu waxay u badantahay in ay qabbeen jadeeco markii ay yaraayeen.

Maxay Yihiin Calaamadaha Cudurkaan Lagu Garto?

  • Calaamadahu waxay biloowdaan kudhowaadkii 7–21 maalmood kadib marka laga helo feyraska, jiraduna waxay sii joogaysaa laga bilaabo 1 illaa 2 todobaad.
  • Jadeecadu waxay kubilaabmaysaa dareere sanka ah, biyo indhaha kayimaada, qufac, iyo qandho daran oo aad u sareyso.
  • Kadib 2 illaa 4 maalmood, waxaa soo muuqanaya finan guduud ah, caadi ahaan kubiloowda wejiga kadibna kufaafa jirka hoose kadibna garbaha iyo lugaha. Finanku badanaa waxay sii joogayaan 4 illaa 7 maalmood.
  • Dadka qabba jadeecada waxay yihiin kuwo cudurka kuqaadsiin kara 4 maalmood kahor illaa kudhowaadkii 4 maalmood kadib marka ay finanku bilowdaan.
  • Dadka qabba jadeecada sidoo kale waxay sameyn karaan jeermisyo dhegta ah, oof wareenka, ama gubasho iyo caabuq maskaxda ah (gubashada madaxa). Jadeecadu waxay sababi kartaa dhicis ama dhelid hore ah oo kudhacda haweenka uurka leh.
  • Aad ayay u yartahay, dadku in ay qabbaan xaalado dhexdhexaad ah oo jadeeco ah taas oo aan loo aqoonsan sida jiro jadeeco ah.

Sidee ayuu u faafaa?

  • Feyrasku wuxuu kujiraa diifka sanka kujira ama dhuunta qofka qabba jadeecada.
  • Jadeecadu waxay si fudud ugu faaftaa tooska hawada marka qofka jiran hindhiso ama qufaco. Dhibcaha waxay kudhici karaan dadka kale sankooda ama dhuuntooda marka ay neefsanayaan ama geliyaan farahooda afkooda ama sankooda kadib marka ay kutaabtaan meel jeermis leh.
  • Qofka qabba jadeecada wuxuu feyraska kufaafin karaa tooska waxyaabaha uu ku hindhiso ama kuqufaco kadibna feyraska wuxuu kunoolaanayaa hawada illaa 2 saacadood.

Sidee loo aqoonsadaa cudurka jadeecada laguna daaweeyaa?

  • Cudurka jadeecada waxaa lagu aqoonsadaa baaritaan dhiiga lagu sameeyo, suuf baaritaan ah oo lageliyo gudaha sanka iyo baaritaan kaadida lagu sameeyo oo laga baarayo feyraska. Badanaa dhammaan baaritaanadaan waxaa laqabtaa isku wakhti ama halmar.
  • Majirto daawo xadidan oo loogu talo galay jadeecada. Nasasho iyo in baddan oo cabbitaan dareere ah ayaa lagula talinayaa qofka qabba cudurka jadeecada. Maadaama feyraska sababo jadeeco, daawada antibiyootikada ahi ma ahan mid faa’iido ama waxtar leh.
  • Haddii ay dhibaatooyinku sii horumarto (sida oof wareenka) waxa loo baahnaan doonaa daaweyn dheeri ah.

Sidee jadaacada looga hortagi karaa?

  • Jadeecada waxaa looga hortagi karaa tooska tallaalka MMR. Wuxuu kulminayaa tallaalka jadeecada ay lajirto tallaalada loogu talo galay qaamo qashiirka iyo jadeecada jarmalka.
  • Gobolka Washington, dhammaan caruurta waxaa looga baahanyahay in ay qabbaan tallaalka MMR loogu talo galay gelida iskuulka ama xarumaha daryeelka cunuga.
  • Dadka qabba jadeeco waxaa khasab ku ah in kafogaadaan xiriirka ay layeeshaan dadka kale ayna kafogaadaan meelaha dadweynaha illaa ugu yaraan 4 maalmood oo buuxda ay kagudubtey tan iyo intii finka uu soo baxey.
  • Dadka laga helay jadeecada ama u maleeya in ay qabbaan jadeeco waxa khasab ku ah in ay joogaan guriga, kafogaadaan meelaha dadweynaha, ayna si dhakhso ah u latashtaan bixiyaha daryeelkooda caafimaad. Iska hubso in aad hore u wacdo kahor inta aadan booqan bixiyaha daryeelkaada caafimaad si aad uga fogaato faafinta cudurka jadeecada aad kufaafiso dadka kale ee jooga qolka sugida.
  • Tallaalka jadeecada lagu bixiyo sedex maalmood gudahooda oo laga joogo maalinta la helay waxay dad kucaawinaysaa kahortaga jeermiska caafimaadka dadka aanan-uurka lahayn.
  • Difaaca gulobulinta waxay tahay daaweyn taas oo lagu isticmaali karo 6 maalmood gudahooda oo laga joogo maalinta lahelay cudurka si loo ilaaliyo dadka khatar sareysa ugu jira dhibaatooyin ka ahaaday jadeecada ay kamid yihiin haweenka uurka leh, dhallaanka iyo dadka qabba nidaam jir difaace daciif ah.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *