Xaqiiqooyin Cajiib ah oo Hurdada ku Saabsan

Hurdadu waxa ay ka mid tahay nimcooyinka uu Alle ku xusay Qur’aankiisa oo sheegay in ay tahay waqti loogu talogalay in uu qofku nasto, waxaana caadi ahaan la wada og yahay in saacadaha hurdadu ay qofka siiyaan tamarta oo ay u cusboonaysiiyaan, awood iyo firfircooni, nasasho iyo maskaxda oo qofka u xasisha, waxaa intaas dheer faa’idooyin caafimaad oo ay u leedahay qofka. Dhinaca kalana waxaa jira xogo muhiim ah oo hurdada la xidhiidha, kuwaas oo qaar badan lagu ogaan karo tijaabo fudud. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah macluumaadka laga yaabo in aanay dad badani ogeyn ee hurdada la xidhiidha, waxaana laga yaabaa in qaarkood u baahan yihiin in lagu kabo xujo cilmi ah, dibna loogula noqdo xeeldheerayaasha u kuurgala.

1. Aadamuhu waa noolaha keliya ee isaga oo hurdo hayso dib u riixi kara waqtiga uu seexanayo.

2. Marka uu qofku hurdo oo uu naqasku qabtaa waxa ay horudhac u tahay hurdo xumo iyo khalkhal hurdada kaga dhaca oo ku soo fool leh.

3. Hurdo yaraantu waxa ay keentaa cunto badnaan, sababtuna waa hormoonka Leptin ee cuntada ka masuulka ah oo hurdo la’aanta awgeed jidhka ku yaraada.

4. 16 saac oo is-xiga oo uu qofku hurdo la’aadaa waxa ay keentaa in awooddiisa maskaxeed daciifto.

5. Meel dheer oo la seexdaa waxa ay sii badisaa hurdo xumada, waxaana dhici karta in habeenkii uu qofku la tooso neefta oo ku yaraatay awgeed, sababtuna waa xaddiga neefta Ogsajiin ee hawada ku jirta oo yar.

6. Haddii aad toosto adiga oo riyo ku jiray, oo aad jeclaysato in ay riyadii halkeedii kaaga sii socoto, keliya dhaqso indhaha isugu qabo oo dib u soco adiga oo iska jiraya in aad is-rog-rogto ama xarakaad kale jidhkaagu sameeyo. Ogow oo habkani mar kasta in uu shaqeeyaa qasab ma’aha laakiin waa ay dhacday in badan oo uu shaqeeyey.

7. Xayawaannada kalena sida dadka oo kale ayaa ay u riyoodaan.

Check Also

Sababaha Keena In Ardaygu Uu Waxbarashada Naco

Waxaa marar badan dhacda in qoysaska iyo macallimiintuba ay ka cawdaan mushkilad dunida aad ugu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *