6 Xeeladood Oo Ninku Ku Xalin Karo Isfahmi-Waaga U Dhexeeya Isaga Iyo Xaaskiisa

khilaaf, isfahanka lamaanaha,

Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida ay kala qabaan, sidoo kale waxa uu ka dhashaa xidhiidhkooda oo liita iyo iyada oo mid kastaa rayigiisa ku adkaysto oo isu-tanaasulku meesha ka baxo.

Waxa aan akhristayaasheena qormadan kula wadaagaynaa tallaabooyin ay xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu sheegeen in haddii ay maraan lammaanaha is qabaa u sahlaya in ay ka gudbaan isfahmi waaga iyo muranka,  una dhowdahay in ay dib u soo nooleeyaan xidhiidh wanaagoodii.

Waxaa muhiim ah in ninka doonaya in uu habkan xal ku raadiyo laga rabo in tallaabooyinku sida ay u kala horreeyaan uu u galo oo weliba tallaabo kasta oo ugu yarana maalin ku qaato, oo marka ay meel isla dhigaan xaaskiisa uu ka soo gudbo.

Xaaskaaga is barta:

Waxaa laga yaabaa in rag badan oo aaminsan in ay xaaskooda ay si fiican isu garanayaan ay la yaabaan sida aan ugu dhiirraday in aan ereygan ku bilaabo qormada.

Laakiin ninka fikirkan qabaa waxa uu ma’ogan yahay in gabadhu mar kasta wax badan qarsato, sababo badan awgood. Waxaa ka mid ah iyada oo ka baqanaysa in ninka oo ay aragto in culays ama xanuun ama dhib kale saaran tahay ay culaysa ku sii kordhiso. Macnaheedu waa in ay wax badan isaga uga tudhayso, ama lammaanaha oo aanu marka hore ka dhex abuurmin mawduucyo ay wadaagi karaan oo fure u noqda in ay ka wada xaajoon karaan kuwa aanay wadaagin. Ama waxaaba dhacda gabadha oo ninka ka qaadata faham ah in aanu dan badan ka lahayn sheekada ama aanay xiise gelinayn, sidaa awgeed wax badan ay uurkeeda ku haysato.

Nin kasta waxaa la gudboon in uu barto waxa ay xaaskiisu jeceshay, sida ay carruurnimadeedii ahaan jirtay iyo duruufaha ay ku soo barbaartay sida ay ahaayeen. Cidda ay yihiin saaxiibbadaheeda aanay illaawi karin. Sida ay nolosheedu ahayd guurka ka hor wanaag iyo xumaanba. Shoogga iyo niyad jabka ugu weyn ee ay abidkeeda la soo kulantay ka uu ahaa iyo sida ay uga soo gudubtay. Iwm.

Xaaskaaga waa in aad uga sheekayso naftaada:

Dibadda u soo saar xogta uurka kugu jirta ee shakhsiyaddaada fahamsiin karta xaaskaaga, u sheeg waxa niyaddaada ku jiro, waxa aad jeceshay iyo waxa aad neceb tahay, waxa aad jeceshay in aad ku maarrarowdo xilliga firaaqada. Uga sheekee hammigaaga iyo ba’aaga, murugadaada iyo dhibta ugu daran ee dadka kaa soo gaadhay waxa ay ahayd. Sidoo kale u sheeg afkaartaada la xidhiidha mustaqbalka.

Raadi meelo aad wadaagi kartaan:

Inta badan dumarku waxa ay ka cawdaan ninka oo aan waqti fiican la qaadan, sababta ugu badanina waa mawduucyada ay xiisaynayaan oo kala duwanaada. Haddaba ninku waa in uu baadho meelaha ay isaga iyo xaaskiisu ay wadaagi karaan, mabaadii’da, fikirka, riyada iyo himilada uu leeyahay, filimada uu xiiseeyo, cuntooyinka, dookha iwm.

Ku dadaal in xaaskaaga aad kala sheekaysato waxa aad mustaqbalka ku fikiraysaan labadiinuba, iyo wax yaabaha ismiidaaminta u baahan ee labadiinuba aad jeceshihiin in aad ku dhiirrataan, iyo weliba sida suurtogalka ah ee aad waxyaabo cusub wada jir u wada jirrabi kartaan. Isfahamka lammaanaha waxaa muhiim u ah in mid kastaa uu fahmo mawduucyada iyo wax kasta oo kan kale xiiseeyo si sheekadoodu ay  u noqoto mid aanay kala xiise goyn.

Dood adag la gal:

Waxaa muhiim ah in ninku uu xaaskiisa u dood iyo muran kala galo arrin uun si uu midkoodba u fahmo aragtida kan kale. Waa ay fiican tahay in lammaanaha mid kastaa uu fahmo aragtida iyo hab-fikirka kan kale sidaa awgeed in arrin laga doodo siyaasi ama mid bulsho ka uu doono ha ahaado ee ayaa keenaysa in la fahmo sida uu qofku arrimaha u go’aaminayo iyo sida ay suurtogal u tahay in la doodo oo la murmo iyada oo aan midkoodna cadhoon. Si kale haddii aynu u dhigno waxaa fiican in ninku uu xaaskiisa si dadban ugu tababaro in ay la doodi karto oo muran la geli karto iyada oo aan cadhoon, isna sidaa si le’eg.

Dooddan muranka ah ee uu ninku bilaabayaa waa in ay noqoto mid uu awoodi karo in uu isagu xakameeyo si ay gabadha ugu noqoto tababar ay fahamto in la doodi karo oo arrimo badan si adag looga murmi karo iyada oo aan la gaadhin heer cadho iyo xidhiidhka oo xumaada. Dad badan ayaa aaminsan in qofka oo aad la muranto oo aad gaadhsiiso cadho halka ugu dambaysa kadibna si deggen xaaladda u soo dejisaa ay dareensiinayso in iyada oo aan la kala tegin la murmi karo kadibna aakhirka la isu garaabi karo, ama ugu yaraan aan cadhadu xidhiidhka wax yeeli karin. Arrinta ugu muhiimsan ee ay tahay in lammaanuhu fahmaanna waa in noloshu aanay ahayn, “Guulayste iyo laga guulayste”

Khad cagaaran oo aan laga gudbin samaysta:

Mid kasta oo idinka mid ahi ha  caddaysto meelaha uu jecel yahay in ay shakhsi u ahaadaan oo aan dood iyo sheeko laga gelin. Si qofka kalana uu u fahmo in dood kasta iyo muran kastaa uu noqdo mid aan gaadhin khadkaas cas ee mid kasta u jeexan. In qofka aad murmaysaan aad ka ilaaliso in aad taabato boogihiisa xasaasiga ah iyo arrimaha uu jecel yahay in aanu dood ka gelin, waxa ay keenaysaa in doodda iyo muranku noqdo mid raaxo iyo madadaallo ku dhammaada. Waxaa muhiim ah in ninku uu ku dadaalo in xaaskiisa uu la doodo oo la murmo isaga oo aan ka cadhaysiinayn.

Maamulka Xisaabaadka iyo isla meel-dhigista kharashka:

Waxaa fiican in lammaanuhu ay samaystaan miisaaniyad qoran oo ay ku caddahahay kharashaadka ay muhiim tahay in dhaqso loo galo, kuwa dib loo dhigan karo iyo kharashka laga maarmi karo. Wada jir u qorta jadwal aad isla ogoshihiin oo aad ku caddaynaysaan kharashaadka billaha ama sannad laha ah iyo sida ay u kala mudan yihiin.

Haddiiba ay dhacdo in uu khalkhal ku yimaaddo ama midkiin doono in wax-ka-beddel lagu sameeyo waxaa fiican in aad si wada jir ah u wada fadhiisataan oo si maangal ah uga dooddaan isuna qancisaan. Ninku haddii uu shaqeeyo ama shaqayn karo waxaa sax ah inuu isagu qaato masuuliyadda ugu badan ee kharashka qoyska, xitaa haddii ay xaaska qudheeduna shaqayso. Gaar ahaan Ragga Soomaalida ee ku dhaqan gudaha dhulka Soomaalidu waa in ay fahamsanadaan in uu dhaqanka soo jireenka ah iyo shareecaduba isaga waajib kaga dhigayaan qaadista masuuliyadda dhaqaale ee qoyska.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *