Xaguu Tagay Bilaal Binu Rabaax Geeridii Nabi Maxamed SWC Kadib?

saxaabi Bilaal Binu RabaaxBilaal Binu Rabaax, waxa uu ahaa saxaabi muslim ah oo qiimo badan siiba xiligii nabi Maxamed Scw, oo uu ahaa mu’adinkii Muslimiinta. Bilaal islaamka ka hor waxa uu ahaa adoon uu leeyahay mid ka mida mudanayaashi reer quraysheed, balse markii danbe waa la xoreeyey oo Abubakar Sidiiq Rc ayaa furtay.

Hadaba bilaal oo ahaa saxaabi aynaan halkan taariikhdiisa iyo qiimihiisa midna ku soo koobi Karin, xagee ayuu aaday/tagey geeridii suubane nabi Maxamed N.n.k.h kadib?

Bilaal geeridii Nabiga Scw ka gadaal waxa uu u tagay Abubakar Sidiiq (Ilaahay haka raali noqdee) oo isna ahaa saxaabi qiimo badan islaamka dhexdiisa, waxana uu ku
yidhi;

Amiirkii Rasuulkow, waxaan maqlay Nabiga oo leh “Shaqo uu adoonka Ilaahay qabto waxa ugu fiican jihaadka alle dartiisa ah.”

Abubakar Rc, waxa uu ku yidhi: “Maxaad markaa rabtaa Bilaalow?”

Bilaal waxa uu ku yidhi: Waxaan rabaa inaan u ban baxo ilaahay dartii, ilaa aan ka
dhinto.

Abubakar waxa uu ku yidhi: oo yaa noo adimaya/eedaamaya?

Bilaal oo indhiisa ilmo ka buuxdo ayaa ku yidhi: Anigu cidna uma adimayo Rasuulka Scw kadib.

Abubakar waxa uu ku yidhi: Nala joog oo noo adin/eedaan Bilaalow.

Bilaal waxa uu ku yidhi: Hadii aad I xoraysay adigu ima lahaanaysid! Waxaan ahaanayaa sidaan doono, hadii aad ilaahay dartii ii xoraysay I daa. Isagaan adoon u ahaye.

Abubakar waxa uu ku yidhi: Xaqiiqe alle dartii ayaan kuu xoreeyey.

Intaa kadib Bilaal waxa uu u boqoolay dhulka Shaam (Suuriya), halkaas oo uu ku ahaa diyaar iyo mujaahidba. Waxa uu naftiisa ku lahaa; “ Maan ahaanin/noqonin mid jooga Madiina, dhimashadii Rasuulka Scw kadib.”

Hadii uu rabo inuu adimo/eedaamo marka uu soo gaadho “Waxaan qirayaa inuu Maxamedna yahay Rasuulkii Eebbe.” Waa uu marganayey, oo ooyayey.

Bilaal Shaam ayuu iska joogay, oo waxa uu la jiray mujaahidiinta. Sanado kadib, Bilaal waxa uu riyo ku arkay Nabi Maxamed Scw, isaga oo ku leh; “Waa maxay jawfadu Bilaalow, miyaanay ahayn inaad na soo booqato?” Inataa kadib, Bilaal waxa uu noqday mid murugaysan, wuxuu u soo boqoolay dhinacaa iyo magaaladii Madiina, waxa uu soo booqday qabrigii nabi Maxamed Scw, waanu ku dul ooyey, sidoo kale waxa uu dul tagay xabaalihii Xasan iyo Xuseen.

Bilaal sidaa markuu yeelay kadib, waxa uu fuulay masaajidkii nabiga Scw korkiisi, waxana uu ku dhawaaqay “Allaa wayn, Allaa wayn.” Intaasi markii ay ka soo yeedhay, magaaladii Madiini way ruxan tay. Hadana way sii ruxan tay markii uu ku dhawaaqay  “Waxaan qirayaa inuu Maxamed yahay Rasuulkii Eebbe.”

Dumarkii ayaa ka soo baxay guryahoodi, manay noqon maalintaa Madiini mid oohineed mooye wax kale.

Amiirkii Muslimiinta Cumar Binu Khadaab Rc, mar uu booqday Shaam (Suuriya) dadkii way baryeen si uu bilaal ugu yidhaahdo u adin/eedaan salad qudha. Xiligii salaada maray gaadhay, Bilaal ayuu Cumar u yeedhay si uu u salaada ugu adimo/eedaamo.  Bilaal muu diidin Cumar Rc, waana uu adimay/eedaamay.

Saxaabadii garanayey Nabiga Scw way ooyeen, oohin aanay waligood ooyin. Cumar ayaana ahaa ka ugu oohin daran.

Geeridii Bilaal markii ay soo dhawayd waxa ooyday xaaskiisi! Waxa uu ku yidhi;  “ Ha ooyin, beri waxaynu la kulmaynaa kuwii uu Maxamed Scw jeclaa iyo asxaabtiisiiye
Rc.”
Dhamaad…
Q/M: Qormadani waxay ku qornayd af Carabi, waan turjumay si dadka Carbiga aan aqooni
ay uga faa’idaystaan una ogaadan arinkan cajiibka ah.
W/T, Qoray, Habeeyey: Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac
Hargeysa, Somaliland

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *