Wuxuu Hilmaamay In….

 

wuxuu hilmaamayWaa Cajaa’ib

Wiil ayaa Hooyadii weydiisay inuu tuso siday camera-da Mobile-ka u isticmaali lahayd oo sawir ugu qaadi lahayd. Aad buu ugu qoslay isagoo layaaban inay waxaa fudud garanayn oo technology wax ka aqoon!

Wuxuu hilmaamay in ay sagaal Bilood uurka ku siday oo Aduunka keentay,
Wuxuu hilmaamay in ay iyadu bartay sida loo hadlo,
Wuxuu hilmaamay in ay iyadu bartay sida cuntada loo cuno,
Wuxuu hilmaamay in ay iyadu bartay sida suuliga loo isticmaalo,
Wuxuu hilmaamay in ay iyadu bartay sida dharka loo xirto.
Wuxuu hilmaamay xilli uu naftiisa xitaa quudin karin, habka keliya uu wax u weydiin karo ay ahayd oohin, inay ahayd qofka keliya ee oohintiisa fahmayay isla markina ka jawaabayay!

Nasiib darrada ugu daran waa in maanta wiilkaa iyo qaar kale oo badan u arkaan waalidkood inaysan casriga cusub la socon ama wax badan fahmeyn!

Alle SWT Hooyo kasta oo Muslim ah ha uga dhigo awlaadeeda kuwa baari u ah, adeeca, una naxariista.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *